Faallo:- Shirka Kulmiye Muxuu Soo Wadaa Ee Qarsoon ( Abdi-Shotaly)?
Jawaabtu waa wax-ba, waana dhoola tus, ilayn wax aan la ogayni ma jiraane iyo yaa wax iga qaadi kara. Gabay baa waxa ku jirey " Rag kuu shirey, rafiiq nimaaad tihiin, tallo lagaa reebay, meeshaan lagaa rabin, indhaha lalama sii raaco" Oo ah ha naga samra. Aan ku soo dhawaado'e, Horaa loo yidhi " War la qabaa xiiso ma leh" oo micana-heedu yahay, Dul iyo hoos-ba waxa aad sii og-tahay waxay yihiin, in aad ku daashaa waa wakhti halayn aan micno ku fadhiyin. Waxan hadaba faaladan ugu qalin qaatay, bal shirka la leeyahay waxa la qabanayaa bishan afar-teedda ( Waa Axada'e) ee Xusbiga Qudhmiye, waa maxay waxa cusub ee ay inoo sheegayaan ee ka soo baxayaa? Waxa si badheedh ah iyana cadaan la inoogu sheegay in aanu tartan jirin, ee magacyo khaas ah lagu sii qoray liiska, qof kale oo aanu intaas ahaynina aanay meesha imanayn ama lagu doorana-yaana aanay jirin haba yaraatee. Inaka oo ka sii war qabna halka uu xaalku maraayo, ee uu cid gaar ah u xidhan yahay, oo aanay jirin wax lagu kal saarayaa iyo xil loo siman yahay oo lagu beretamayaa, ee hore loo sii xushay cidda la sii doortay, Ma jirto wax tartan ah oo ka dhacayaa iyo dimuqraa-diyad ka socotaa mid-koodna, ee waxay noqotay aniga baa iska leh Qudmiye, cidaan doono ee nacamla-yaal ah ayuun baan keenayaa, sidaad rabana aan ka yeeli karo, kuwaas oo anigu aan dana-hayga ku fushan karo, kuna shaqaysan karo, Kol haday sidaas tahay, maxaa ka soo naaso-cad aan is weydiino'e? Wax aynu ka sugnaa ama ka filaynaa waa maxay? Jawaabtu waa ii jabtaye aan kugu dul ciyaaro, ee weliba ii sii mash-xarad" calaa-haakada"
Hadaad been u haysa-taan adba waad yaabiye bal ila akhriya intan hoose iyo sida wax u dhaceen:-
(a) Qabyo-Tire al-baabadda baa laga xidhay, oo lacag-taadda xashiishka ku rid baa hadh cad lagu yidhi " Ka lugee adiga baa isu qudhmiye ahe". Maxaad sheegaysaa awelba waanu kugu shaqaysa-naynay, dantii aanu kaa lahayna, waanu kaa gaadhnaye ee ka shub, meeshan wax-ba kuuma yaalaane cirka soo guji, isna afka buu laydha u dhigay, intuu fuqa dameerka sare u taagay.
(b) Ina Xaashi waxa af buuxa lagu yidhi, wax kale baad is moodaye, halkan aniga oo ah " Raggii ma adigaa ka hadhaye" baa ka diig ah, ma dhici karto in uu diig kale iga dul ciyo, aniga baa iska leh, cid aan ku cisayna-yaana ma jirto, haday beel tahay abaal igu lahayd iyo haday tahay mid aan awrkay-ga ku kacsanaayey-ba, ku aan godob ku geliyey been iyo humaag, Runtii waa tan ee "Maraqa cab" kani ku dhaafye, meel aad u soo mar-taana ma jirtee, ha xiiqin inta cirku kuu jiro buu kursi-gani kuu jiraaye. Akhristaw nin jilicsan waa loo daran yahaye, meel uu cuskado la'yahay. weliba godobi ay u sii dheer tahay, dib-na uu hadda isu qooma-maynayaa, siddii loogu guurey, ee wejiga looga fiiqay, uguna dhintay geeri iyo mag la'aan.
(c) Saylici isna daaqadda baa laga tuurey, oo askartu ku tidhi awel-ba kuma aanu rabin ee " Madax-weyne Siilaanyo" baa ku watay, kiina ka teg meesha ee afka laydha u dhig. Muwaadin waxa meesha ka socdda idin-kama qarsoona, taas oo ah in xusbiggii "Qudhmiye" u af-duuban yahay labadda askari, cid kale-na aanay oodda ka rogayn, mid u daba-dhilif ah mooyee. Kan waa lagu kala dareeray, laguna kala ad-kaaday, inta sare ku qoran iyo qaar kaloo badan-ba, hadh cad oo ay cadceedu duhur tahay baa lagu kala dhaqaaqay, bal hadaba yaa doorashadda loo dhigayaa? Saw maaweeladdii beenta ahayd ee Askariga Guriga Moorgan ku jira iyo micno daridiisii la shir iman maayo? Taas oo ah sacabka ii garaaca " Hooyaday baa nin dhashaye" Iyo weliba tiiq-tiiqsi lagu dhego hadlo, kuwaas maalin weynta la direy.
Waay'aragnimadu waa qaali, ee indhaha kala fura, baan kula talin lahaa ragga sare ku yaala iyo qaar kaloo badan, in ay u tashadaan siddii raggii hore-ba uu go'aanka uga gaadhay Askariga. Waayo way yaqaaneen wuxu yahay, Ragii Xusbigu markuu Kulmiye ahaa abuurey, sidda Xirsi Xaaji cali, Abiib Tima-Cad, Maxamed Biixi yoomis, Xuseen Caydiid, Ismacil yare iyo qaar kaloo badan-ba, idinku malaha aqoon baydaan u lahaye " Ragii ma adigaa ka hadhaye" Malaha waxa u wacnayd, iyaka oo aan shir ku baaqine, toos u yeedhiya magac-yadda la sii og-yahay, mar haddii aan cidi la loola-mayn oo ay yihiin anaa sharaxan ( Unopposed Candidates) Waxa la yidhi oo maah-maah ahayd " Nin la tumaa bay tallo joog-taaye" Waxa ka sii daran, oo aad la sii yaabaysaa, kuwa weli rajo ka qaba " Qudhmiye" ee is leh waa la idiin yeedhi doonaa. Waxan Ku so gabaga-beeyey maqaalkan, gabay baa waxa ku jirey xikmad aad u weyn oo wax lagu qaato, taas oo sheegaysa, qofka wadda jir loogu tashaday, ee geedka qudhaan-jadda leh gaarka loogu xidhay, in u isna sidoo kale go'aan ka gaadho wixii lagu sameeyey, oo yidhaah-do " Masalaha nimaan ii dhigayn, oon midigta ii taagin, meeshuu maraaya-ba, nin-kaan maanka igu haynin, oo aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho" Hadal iyo go'aankii, Ina Xaashi iyo Qabyo-Tire waxan leeyahay, waa idiin nacasnimo wax baa nalaku sameyey-dda aad la soo taagan tihiin shirarka, ee imika mar kale yey taladu idinka doqoni-moobin..
* N.B Nin La Tumay Bay Tallo U Taalaa!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!