Wasaaradda Deegaanka Oo Xarun Duur-joogta Lagu Dhaqo Ka Hir-gelisay Geed-Deeble

0
Friday October 02, 2020 - 19:00:38 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Deegaanka Oo Xarun Duur-joogta Lagu Dhaqo Ka Hir-gelisay Geed-Deeble

    Halkaasoo dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay'adda Cheetah Conservation Fund (CCF)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkaasoo dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay'adda Cheetah Conservation Fund (CCF)

Hargeisa(HWN):-Agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Cabdinaasir Axmed Xirsi, ayaa kormeer gaaban ku tegay Seerre-Kaymeedka Geed-deeble.


Halkaasoo dawladda Somaliland oo kaashanaysa Hay'adda Cheetah Conservation Fund (CCF) iyo African Park Network ay qorshaynayso sidii looga dhigi lahaa Xarumo lagu xanaaneeyo Duur joogta ama (National Park).


Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka waxa ku wehellinaayay Saraakiil ka mida Masuuliyiinta Wasaaraddaas, madaxa Hay'adda CCF iyo madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Stewart Brown.

Wasaaradda Deegaanka iyadoo Kaashanaysa , Maamulka Gobolka Maroodijeex, Maamulka Degmada Daarasalaam, Wakaaladda Biyaha Hargaysa, NADFORD iyo Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Waxaa u suurto gashay in ay ka raraan ilaa 250 oo isugu jira Reer guuraa iyo dad Seeraha si joogta ah u dhex deganaa. Dadka intii aan Xoolo dhaqatada ahayn waxa dib u dejin loogu Sameeyay Degmada Daarasalaam.
No description available.

Wasaaraddu waxay u mahad-celinaysaa Madaxwaynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi oo intii hawshaasi socotay aad isu garab-taagay, dhaqaalihii ku baxayayna u Qoondeeyay.

Loading...
Loading...