Midowga Yurub Oo Cunaqabateyn Saaray Belarus

0
Friday October 02, 2020 - 17:48:40 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub Oo Cunaqabateyn Saaray Belarus

    Hargeisa(HWN):-Cunaqabateyn uu Midowga Yurub ku soo rogay Dowladda Belarus ayaa lagu wadaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Cunaqabateyn uu Midowga Yurub ku soo rogay Dowladda Belarus ayaa lagu wadaa

Hargeisa(HWN):-Cunaqabateyn uu Midowga Yurub ku soo rogay Dowladda Belarus ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho maanta oo Jimca ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ururka.
Madaxa Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen


Cunaqabateynta ayaa bartilmaameedsaneysa ilaa 40 Sarkaal oo ka tirsan dowladda Belarus, balse kuma jiro Madaxweyne Alexander Lukashenko, kaasoo ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah kaddib markii ay mucaaradka ku eedeeyeen inuu ku shubtay doorashadi bishii August.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale uga digay dowladda Turkiga inuu saari doono cunaqabateyn la mid ah tan Belarus, haddii uusan Turkiga ka laaban sahminta gaaska ee badda lagu muransan yahay ee u dhaxeysa Turkiga iyo Gariiga.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale dalalka Azarbaijan iyo Armenia ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagalka, isla markaana ay wada yimaadaan miiska wada-hadalka.

Loading...
Loading...