Akhriso Shuruudo Adag Oo Lagu Xidhay Musharixiinta U Tartamaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

0
Friday October 02, 2020 - 16:20:25 in News by
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Shuruudo Adag Oo Lagu Xidhay Musharixiinta U Tartamaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

    Akhriso Shuruudo Adag Oo Lagu Xidhay Musharixiinta U Tartamaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Shuruudo Adag Oo Lagu Xidhay Musharixiinta U Tartamaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya


Madaxda DF iyo kuwa dowlad goboleedyada oo maalmahan ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray Shuruudaha laga rabo Musharixiinta u tartamaya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya qodobo dhowr ah. | Ilwareed Online


HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA OO DHAMEYSTIRAN

Lifaaqa 2. Shuruudaha Musharixiinta labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha laga rabo musharaxiinta u tartamaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka:.

1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
2. Dhimirkiisu u dhan yahay
3. Da’diisu ka yarayn 25 sano
4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah

7. In uu haysto waraaqda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

8. Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Shacabka ama Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

a. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta.

b. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta.

c. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Loading...
Loading...