Madaxweyne Biixi Seedigii Saajin Waa Loo Tanaasulaye Ma Isagaa Guuleystay Mise Saylici

0
Friday October 02, 2020 - 11:14:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Seedigii Saajin Waa Loo Tanaasulaye Ma Isagaa Guuleystay Mise Saylici

    W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

Marka Si Dhab ah loogu Dhaadhaco Caqabadaha Horyaala, Waxa ugu Horeeya Tijaabada Bari Ka Maalin Laga qaadi Doono, in uu Noqon Karro Nin Ku Guulaysta oo Gacanta Kusoo Dhiga Beeshiisa Raaska Hoose Ee Reer Axaamad, oo Madka Laga tago Xaafadaasi Ma Awoodi Karaa in uu Inuu Suldaan Wabar iyo Sheekh Xasan Deheeye Soo Xero Galin Karo Waa mid Looga Fadhiyo, oo lagu Ogaan Karo in Madaxweyne Biixi Seedigii usoo Xushey Dilaalnimada Shidaalka iyo Kirada Maraakiibtan Shidaalka ah ee Loogu Quus Gooyay Ganacsatadii Madaxa Banaaneyd ee Shidaalka.



Marka laga Tago jufadiisa Reer Axaamad ee Loo Gudbo Beesha Jibriil Yoonis Guud ahaan, Waxa Xusid Mudan In Taariikhda Dib Loogu Noqdo Khusuusan, Xiligii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Murrashaxa jagada Madaxweyne isku soo Taagay Bilawgii Doorashada Madaxtooyada Sanadkii 2003dii iyadoo ololihii lagu Gudajiro Allaahu Yarxame Ibaraahim Magan Waxa uu Yidhi hadaynu Samaroon Nahay Magayno Kursiga Madaxweynaha ee inagu Waxeynu Leenahay, Kursiga Madaxweyne Kuxigeenka isagoo u ololaynaya, Cabdiraxmaan Aw Cali oo ahaa Kuxigeenka Madaxweynaha Murashaxii Xisbiga Kulmiye arintaasi Waxey Dhalisey Godob Siyaasadeed oo u Dhexeysa Jibriil Yoonis gaar ahaan Beeshii Rayaale kasoo jeeday Ee Reer DUDUB iyo Beesha Saajin ee Reer Axaamad, Waxaana Siweyn looga Dareemayaa in ay Godobtaasi Ilaa Maanta Taalo, hadalkii Dhawaan Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale Ku Durey Talaabadi ay Qaadeen Saajin iyo Saleebaan Cawer ee joojintii Ugaaska oo Nabarada Sii Xoqdey Boogtana Damaqdey, Xaqiiqdu Waa Mid Tusaale u ah inaanu Mawjadaa Ka Dabaalan Karin Saajin iyo Xulafadiisu.


Marka Taa Laga Yimaado Ee Loo Soo Gudbo Makaahiil, iyana Waxa Jirta Caqabad iyo Cudurdaar Culus oo aanu Waligii Saajin Ku Yeelan Karin Saamayn Shakhsiyadeed oo Dhalin Kara Isbadel Siyaasadeed oo Beelaha Makaahiil Kasoo Digarogi Kara Mucaaridnimadii ay Kulmiye Ka Taagnaayeen Tusaale ahaan Damaca Beelaha Ba Gurgure ee Reer Nuur iyo Aadan Yoonis ee Murashaxnimadii Kuxigeenka Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani, iyadoo Wakhti Xaadirkana Muuqata Cadhada Damacan Cusub ee aan Makaahiil u Dhamayn iyadoo, ay Ku Taageersanaayeen inta ugu Badan ee Beelaha Makaahiil Bahabar Cabdale Reer Ugaas, iyo Yaryarka oo Dhami oo ay Mur Kala Qadhaadhahay Marka Laga Yimaado Jibriil Yoonis in ay Taageero Kulmiye ah Ku Raacaan Reer Axaamad Khusuusan Saajin Waa Hadii aanan Shakhsiyaad Badhkood Xildoon Yihiin oo ay Kamid Yihiin Cumar-Yare, Saygoon, Ina Taani iyo Midh midh Soo Raaca.


Sikasta oo Tahey Marka Gees Kasta Laga Istaago Waxa Hada Guul jooga Saylici Sababtoo ah Saajin Hadii uu Geed Dheer iyo Mid Gaabanba Fuulo Marnaba Ma Heli Karro Beesha Makaahiil/ ee Samaroon hadii Doorasho La Gaadho ama ay Dhacdaba Waxaa Suurtagal ah in Laba Sano oo Hada Ka dhiman Mudo Xileedka Madaxweyne Biixi iyo Kuxigeenkiisa Saylici, in ay Suurtagal Tahay Qiyaas Kasta oo La Suureeyaa in Laba Sano oo Muddo Kordhin ahi Timaado inta Doorashooyinka hore laga Soo Kabanayo Baarlamaanka iyo Deegaanka loona Gudbi Karo Doorasho Madaxtooyo Waa Nin iyo Nasiibkii, iyo Xaalad Kasta oo Isbadeki Karta Wad iyo Xanuun iyo Isabdelba Iman Karo Muxuu Ku Gaadhi Doonaa, Allaa og Laga bolaabo Maantana Waxaa u Furmaya Waji Cusub oo dhabarka Lagaga Jabin Doono Kadib Marka ay Raga aynu Ognahay Ku Yidhaahdaan Madaxweyne Kuxigeen Kasoo bood Bood Beel Heblaayaan Kuu Diyaarinaynaa iyo Bakhaylnimadii Saajin, iyo Kaambayn Aqoon La,aantiisa Waa Guuldaradii u Weyneyd, oo aanu Waligii Kasoo Kici Doonin, oo aanu Far Ka Dhayi Doonin, Khaakhaayirka, iyo dhoolatuska Beesha Reer Nuur oo kaliya Wabilaahi Tawfiiq iyo Bisha oo Horteena Timaada.


Waxaan Kusoo Gunaanadaya Kulmiyaha Dumaasha ah iyo Kii Bilcinta ahaa Sideebay Ukala Hawl Iyo Howl Noqon Doonaan.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...