Nuxurka Qoddobada Xuddunta u ah Heshiiska Xukuumadda Biixi Ethiopia
Muuse Biixi oo Wafdiga Deegaanka ku qaabilay Qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in uu deegaanka

Hargeisa(HWN):-Wafdii heer deegaan ee oo uu hogaaminayay hoggaanka nabadgalyada ee DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim, oo maalmahan ku sugnaa magaalada Hargaysa ee Caasimada Hargeisa, isla markaana kulama gooni gooniya la yeeshay masuuliyiinta Somaaliland, ayaa ku heshiiyay inay kawada shaqeeyaan qodobo mihiim ah oo khuseeya 2-da shacab ee walaalaha ah.

Muuse Biixi oo Wafdiga Deegaanka ku qaabilay Qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in uu deegaanka Soomaalidu yahay Buundo adag oo isku xidhi karta, deegaanada, dawladaha iyo Shucuubta Geeska Afrika.
Dhankiisana hogaanka nabadgalyada ee DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim, oo kulankaas ka hadlay ayaa bogaadiyay, horumarka iyo nabadgalyada ka jirta Somaliland, waxayna 2-da dhinac ku heshiiyeen qodobadan hoos ku xusan.
In laga wada shaqeeyo nabadgeliyada xudduudaha labada waddan u dhaxeeya.
In siwada jir ah loola dagaalamo xoogaga argagixisada ah.
In la xakameeyo hubka sharci-darada ah ee labada dal isaga gudba.
Wefdiga deegaanka Soomaalida ayaa xili dambe dib ugu laabtay caasimada deegaanka ee magaalada Jigjiga.
Loading...
Loading...


0 





