Xisbiga Waddani Oo Ka Soo Baxay Balanqaad Uu u Sameeyey Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Dhisan Gobolka Hawd+Sawiro
Balligubadle(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa fuliyey balanqaad uu todobaad ka hor u sameeyey kooxaha kubada cagta ee ka dhisan magaalada Balligubadle.
Xisbiga Waddani ayaa kooxaha kubada cagta ee Balligubadle gaadhsiiyey agabka ciyaaraha oo ay ugu tala galeen kooxaha heerka labaad iyo heerka sadexaad ee xarunta gobolka Hawd ka jira.
Xoghayaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Yuusuf Nuux Yuusuf(Tadhase) ayaa kooxaha Balligubadle gaadhsiiyey agabkii ciyaaraha ee xisbigu u balanqaaday kaas oo sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay la garab joogaan dhalinyarada gobolka Hawd.
Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Waddani ee gobolka Hawd Naasir Haaruun Haybe oo goob joog ka ahaa goobtii xisbigu ku wareejinayey agabka ciyaaraha ayaa sheegay inay ka soo baxeen balanqaadkii ay u sameeyeen dhalinyarada magaalada Balligubadle.
Gudoomiye Naasir oo ka waramaya balanta xisbigu ka soo baxay ayaa waxa uu yidhi "Xisbiga Waddani oo ka jawaabaya balanqaadkii aan kooxaha gobolka u sameeyey todobaadkii hore waanu ka soo baxnay, waxaana kooxaha heerka labaad iyo heerka sadexaad gudoonsiinay agabkii dhinaca ciyaaraha ee ay u baahnaayeen, waanan sii wadi doonaan taageerada aanu dhalinyaradan la garab joogno anaga oo ka shaqaynayna horumarinta ciyaaraha gobolka.”






0 





