Shirkaddaha TELESOM Iyo SOMTEL Oo Ku Tartamaaya Mashruuc Xukuumaddu Fullinayso

0
Thursday October 01, 2020 - 16:32:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkaddaha TELESOM Iyo SOMTEL Oo Ku Tartamaaya Mashruuc Xukuumaddu Fullinayso

    Shirkaddaha TELESOM Iyo SOMTEL Oo Ku Tartamaaya Mashruuc Xukuumaddu Fullinayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkaddaha TELESOM Iyo SOMTEL Oo Ku Tartamaaya Mashruuc Xukuumaddu Fullinayso

Hargeisa(HWN):-Shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, ayaa ku tartamaya mashruuc loo fulinayo Xukuumadda Somaliland, kaas oo qayb ka ah dhowr mashruuc oo ay guddiga Qandaraasyada Qaranku maanta daah-fureen.
Shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL Oo Soo Dhaweeyey Dabar Ka Furista Isgaadhsiinta Kaybalka – Foore News


Fullinta Qandaraaska Mashruuca oo ay ku tartamayaan Toddoba Shirkadood oo TELESOM iyo SOMTEL ku jiraan, ayaa ah Qalabka GPRS-ka oo lagu xidhayo Gaadiidka dowladda si dhaq-dhaaqooda loola socdo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ka hadlayey kulan maanta lagu qabtay xarunta Guddiga oo lagu daah-furay dhowr mashruuc oo fulintooda laga maalgelinayo Qasnadda Dowladda Somaliland, waxa uu faahfaahin ka bixiyey noocyada mashaariicdaas iyo tirada shirkadaha soo xeraystay inay u tartamaan fulinta qandaraasyadooda.

Sida uu Guddoomiyuhu sheegay, waxa qandaraasyada ka mid ah Mashruuc lagu xoolaynayo Dadka ku barakacay Abaaraha ee ku jira Xeryaha baro-kacayaasha Gobollada Togdheer iyo Sanaag; Biyo-ballaadhinta magaalooyinka Gabiley, Tog-Wajaale, Qool-dhuxulaale iyo Gumburaha.

Loading...
Loading...