Siddeed Iyo Tobnaad Meey, Sagaashan Iyo Kowdii ,Sanadguuradeedoo, Siddeediyo Labaatana Ah.
HEESTA SANAD GUURADAN.
SARE FARTAAN U TAAGEEN,ABEESADA KU SOORAY,
SUXULKA UGA BOODEE,MAXAA FARAQA II SUDHAY.
1-SIDEED IYO TOBNAAD MEEY,SAGAASHAN IYO KOWDII ,
SANAD GUURADEEDOO,SIDDEEDIYO LABAATANA AH,
SOMALIWEYN NOQO,MAANTA MAAN SUGAYNINE,
SABABTEEDA YAALO,SUUGANTEENU SHEEGTAA,
2-SARE BIYO ROGMADAY,SACAB TIMO KA SOO BAXAY,
SASABADA DHALAANKIYO,SUULDHABAALO BEENAD,
SADKA WEEYE UBADKOO,LAYDINKAMA SADAQAYEE,
SANDULAYN MA JOOGTE,SAMIR YEESHA RAGANIMO.
3-SOCODADA WADKOD GALAY,SIIRAANYA U SAHANHA,
SII SOCIYO SOO SOCO,SAFARO AAN MACNO LAHAYN,
SUULDAARAY QARANIMO,INOO SAARAY XIDIDADA,
SIYAARO IYO DALXIISIYO,SUUQAYSAY AHAAYEEN.
4-SEEFTAYDII AFAYSNAYD,SUBAXAAN GALEEYA,
SUUSKA IYO QUDHAANJADU,IGU SOO SAFTEENO,
SAHAL LAY HALEELO,SANGAHAYGI LAGA BADI.
SEEXDO MARKAN LEDAY.SACAYGINA DIBI DHALAY.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!