U Adeeg Bulshadaada (Q Lixaad E GuuSHA)

0
Monday April 22, 2019 - 16:40:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1223
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    U Adeeg Bulshadaada (Q Lixaad E GuuSHA)

    Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan,

ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan. Waxaan jeclahay inaan qormadan kaga hadlo intaan awoodo wadada loo maro horumarka iyo waajibaadka saaran in u qof u adeego bulshadiisa.

Bulsho waa dad meel kuwada nool oo isku degaan ah, lehna astaan iyo dan guud oo isku mid ah. Horumarka bulshaddu waa horay usocod iyo himilo sare hiigsasho ay bulshadaasi ku ruqaansato ama ay gaartoheer nololeed ama horumar ka wanaagsan heer keedii hore, Taasoo la odhan karo bulshadaasi waxay ku talaabsatay horumar muuqda oo la taaban karo umadaha kalena kaga daydaan.


Horumarka bulshadda waxaa lagu tilmaamaa hayaan dheer iyo howl adag oo dadka oo dhan kaalin ku leeyihiin, qof walba oo bulshada ka mid ahna uu ka qaadan karo kaalin mugleh. Hadii qof walba uu kasoo baxo kaalintiisakaga aadan horumarka bulshada waxay dhaxalsiisa ummadaasi inay gaaraan horumar muuqda mudayar gudehood. Tacabka iyo miradhalka horumar kaasina noqonaayo mid udhexeeyo dhamaan qeybaha bulshadda oo dhan.


Hadaba iyado o jiro hirdin nololeed oo adag oo shakhsiyan qof walba haysta hadana waxaa macquul ah in u shakhsigu kaliyata aanu dantiisa gaarka ah ku mashquulin e u ka qayb qaato arimaha bulshada si loo horumaro isla markaana aynu noqono ummad dhinac walba ka horumarsan oo hanaansan isla markaan dhegeeda aduunka ku dhaaftay horumaro iyo isbadalo xawli ka socda.


Aduunyada manta dadka ku nool waxa ay ku kala hor mareen waa hadba dadku sida ay ugu adeegan umadooda iyada oo layska ilaalinaayo wixii dhib keeni kara sida musuq maasuqa iyo is daba marinta hogaan xumida iyo gacan bidixaynta.


Bulshada ugu adeeg Tilmamahan soo socda:

oDiin.

oDaacadnimo.

oDadaal.

oDul qaad.

oDabacsanaan.

oDulmi la”aan.

oIyo waliba si maamus leh o miisaaman.

Bulshadaada u qabo hawlahan:

oKa shaqee tayada wax barashadooda.

oKa shaqee caafimaadkoga.

oKa shaqee nadaafada deeganka ay ku nool yihiin.

oKa shaqee wacyi Galintooda.

oKa shaqee sida ay isbadal u sameen lahayeen si ay dhigooda u gaadhi lahayeen.

oUla shaqee si koox koox ah.


Kala Dagaalan qodobadan Bulshadaada:

oQaadka

oQamriga

oQabyaalada

oQadarin la”aanta.

oQiyaanada.

oIyo wixii la hal maala e bulshada wax gaadhsinay


Hadaba walaal waxaad kaga qayb qadan kartaa u adeega bulshadaada in aad si shakhsi ah isu xil qaano u adeegno dadkeena amaba in aynu ka qayb noqono kooxaha ka shaqeeya arimaha bulshada sida ururada iyo daladaha iyo waliba haydaha calimiga ah e ka shaqeya arimaha bulshada.


Ugu danbayn ma jiro qof awooda in u qabto arimaahas iyo qodobadaas aan kor ku soo xusey suura galna maaha in u qofku bulsho u shaqeeyo isaga oo aan naftiisa badalin oo aan horumarin sidaa darded qabso oo ku goos adeeg hal qodob sida waxbarashada cafimaadka iyo ka qayb qadashada dibu dhiska dalka iyo wixii la mid ah.


Alla mahad leh alla mahad leh alla mahad leh

By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer Researcher And Politician.

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )


All AFRICANS NEVER GIVE UP

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...