Wargeyska Gulf Daily Mail Oo Fashiliyey Musuq Dul Hoganaya Hay'adda Khadiija Foundation Oo Mashaariic Ka Soo Qaadata Dalka Imaaraadka

0
Tuesday September 29, 2020 - 20:28:11 in News by
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Gulf Daily Mail Oo Fashiliyey Musuq Dul Hoganaya Hay'adda Khadiija Foundation Oo Mashaariic Ka Soo Qaadata Dalka Imaaraadka

    Wargeyska Gulf Daily Mail Oo Fashiliyey Musuq Dul Hoganaya Hay'adda Khadiija Foundation Oo Mashaariic Ka Soo Qaadata Dalka Imaaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Gulf Daily Mail Oo Fashiliyey Musuq Dul Hoganaya Hay'adda Khadiija Foundation Oo Mashaariic Ka Soo Qaadata Dalka Imaaraadka


Shabakadda Wararka ee Gulf Daily Mail ayaa baahisey warbixintan oo ku qorneyd luuqada qalaad ee ingiriisida taas oo uu ku soo bandhigtey Masuqmaasuq Hadheeyey Hayad Macawinooyinka Ku Soo Qaadata Magaca Somaliland oo ay leeyihiin ashkhaas ku sugan dalka iskutaga imaaradka carabta,





"Zahra H.F oo ah asaasaha urur lagu magacaabo khadiija foundation oo la asaasey sanadkii 2010-ka waxa uu lacag tabarucaadka ah ka soo ururiyaa dalka Imaaradka carabta taas oo uu maro habab kala duwan oo iskugu jira caawinta Waxbarashada, Caafimadka, Agoonta, Qoysaska Dan yarta ah, caawinta ardeyda danyarta ah, caawinta ubadka naafada ah iyo kuwa kale oo badan balse dhaqaalaha loogu deeqo ma gaadhan kuwa u baahaan ee la sheego in la gaadhsiinayo". Sidaasi waxa sheegay Cabdalla Jamal oo ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada sheekh ee goboka Saaxil muddana ka soo shaqeeyey dalka Imaaradka carabta oo si dhow ula socdey dhaqdhaqaaqa ururkani.



Cabdala Jamal oo hadalkisa sii wata ayaa yidhi" Zahra waxey ka shaqeynaysay Dalka Iskutaga Imaaradka cabarta hayadda lagu magacaabo red crescent nool lakiin munaasibada shaacinta ururkan waxey ku qabatey haregysa, se waxey u muuqata in kuwa mucaawinada ugu soo dhiibey dan yarta ayna debagelin halka ay ku baxdey mucaawinada ay soo dhiiben".


Jaamac Caydiid oo ka mid ah dadka ay shabakadu soo xigatey ayaa yidhi isna" Lacagta waxey ku ururstaaa caawinta ubadka agoonta ah iyo haweenka jilicsan balse waxey u isticmaasha danaheeda u gaarka ah, waxey mucaawino xoogan ka heshaa red crescent oo caawisa dadka islaamka ah ee jilicsan ee dunida ku nool balse dhaqaalaha loogu deeqo foundationka ay iyadu aasastey ayaan gaadhin dadkii loogu talo galey".



Dawladaha Carabta ee ka mid yihiin Cumaan, Sacuudiga, Qadar iyo Kuweyt ayaa dhaqaale toos ah ku shuba akoonka agoonta loogu talo galey in lagu caawiyo balse hayadda red crescent ayaa iyadu u sii dirta khadija foundation akoonkeeda. Tani ayaa sababtey xidhiidh xoogan oo dhex mara red crescent iyo Khadija Fuondation.



Sidoo kale labadan dhinac ee wada musuqa dhaqaalaha agoonta iyo dan yartu waxey dhaqaale xoogan ka helaan daawlada imaaradka carabta.



Zahra waxey 6 sanno tabarucaad ugu shaqeynaysay red ceresecent ka dib waxey shaacisey khadiija foundation oo Somaliland xudun uga dhigtey wakhtigaas waxey sheegtay iney caawineyso agoon gaadheysa 14000 sida laga ay ku baahisey websitkooda wakhtigaas, 75 ka mid ah ubadka la haybsooco iyo 732 Qoys oo dan yar ah.



14000 kun ee agoonta ah 8500 ka mid ah kharashlooda iyo 732 qoys ee dan yarta ah waxa damaanad qaadey red crescent waxeyna sanadkii loo shubi jirey dhaqaale gaadhaya 5 Milyan oo dollarka maraykanka ah .



Marka la eegayo xeerarka lagu asaaso ururada mucaawinooyinka ee caalamiga ah oo dhigaya in ugu yaraan 5 agasime waaxeed uu yeesho ururku ayey khadiija foundation sameysay sharci jebin iyadoo ururku leeyahey 3 agasime oo keliya oo kala ah iyada , odeygeeda iyo walaalkeed sidii shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahey oo kale, in xogo badan laga helo ururkan aadbey u adagtahey, marar aanu xafiiska si hoose u tagney waxay noo sheegen shaqaaluhu ineyna aheyn kuwo joogta ah balse bilo lagu heshiiyo shaqadooda ka dib bilahaana la iska fasaxo si ay uga gudubto kormeerka red crescent ay ku sameyso mararka qaar.



420 qoys ayaa sheegay in dhismayaasha ay galaan ee iyaga loo dhisey aan lagu qorin magacyada mulkiyada ee ku qoran yihiin mulkiyada khadija foundation waxeyna sheegen in magacooda guryo lagu dhisto oo la musuqey dhaqaalihii loo soo dhiibey.



Dhisitaanka guryo badan oo loogu talo galey agoonta iyo qoysaska dan yarta ah ayey magaceeda ku qorataa, sida ilo xog ogaal ah noo sheegena iney guryahan ay dhisatey u bixisey sheekh sayid Villege si ay dhaqaale kale oo badan ugaga urursato Sheekh Sayed Foundation xaruntiisa imaaradka carabta.



Hada waxa dhaqaale ay hore u waydiisatey u bilaabey ururo iyo wadamo kale oo caalamka ah ururkeeda zahra, Way fududdahey in la musuqo dhaqaalaha ay bixiyaan dalalka Imaaradka Carabta , Sucuudiga iyo Kuwaytba iyagoo aaminsan iney hantidaas u bixiyeen sadaqo ahaan Marka loo eego siyaasada tabarucaadka ay bixiyaan dalalkaasi kama dabatagaan si ay cadeymo u soo raadiyaan dheerad ah sida wadamada reer galbeedka ah oo iyagu hubin ku sameeya mashaariicda ay bixiyaan iney fushey balse wadamadan islaamka ah oo sadaqo ahaan u bixiya dhaqaalahan ayaa iyagu keliya rumeysta sawirada loo soo qaado uun dhismayaasha aan lagu wareejin mulkiyadooda kuwii lahaa.


Loading...
Loading...