Madaxweyne ku-xigeenka oo Soo Jeediyey inay Bataan Bangiyadda Ganacsigu
Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan


Hargeisa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarunta Guud ee Amal Bank uu ku yeelan doono Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibad loo sameeyay daah-furka Baankan cusub ee Amal Bank ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirro, Agaasimeyaal guud, ganacsato iyo dadweyne kale.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Xafladaasi furitaanka hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Amal Bank oo hore u ahayd Xawaalad, isla markaanna dalka ka hawl geli jirtay ay hadda ka xukuumad ahaan soo dhaweynayaan Baanka cusub ee ku soo biiray Bangiyadii hore u jiray.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay Bangiyada badan isagoo xusay in haddii Bangiyadu bataan uu dhaqaaluhu kobci doonno. Dhanka kale, waxa uu soo dhaweeyey Barnaamijyo Maalgalineed oo uu soo kordhiyey Baanku, kuwaasoo ay ka faa'iidaysan doonaan Dhalinyarada, Ganacsatada, Haweenka iyo Beeralaydu.
Loading...
Loading...


0 





