Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaan Xumi Haysato Somaliland

0
Tuesday September 29, 2020 - 19:45:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Hogaan Xumi Haysato Somaliland

    "Yarka Farmaajo ee sida khaladka ah ku yimid Muqdisho ayaa yidhi Somaliland la ictiraafi maayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Yarka Farmaajo ee sida khaladka ah ku yimid Muqdisho ayaa yidhi Somaliland la ictiraafi maayo"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, hadalkaasi oo lid ku ahaa dedaallada Aqoonsi raadineed ee Somaliland.



Madaxweyne Farmaajo oo Toddobaadkan ka jawaabayey su’aalo laga waydiiyey Somaliland ayaa sheegay in Somaliland muddo dheer raadinaysey Aqoonsi, laakiin aan la aqoonsan doonin.


Laakiin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Shalay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaan Farmaajo wax hadal kaga qaadi karin Somaliland, taa beddelkeedana Somaliland dedaal u galayso sidii ay Kursiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku fadhido ay uga qaadi lahayd.


Faysal Cali Waraabe oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Yarka Farmaajo ee sida khaladka ah ku yimid Muqdisho ayaa yidhi Somaliland la ictiraafi maayo isagoo ku xumaynaya, waa Nasiib-darro Waayo? Somaliland Ictiraaf kama baryayso Farmaajo. Markii dagaalku socday Adeerkii (siyaad Barre) ayaa odhan jiray Midnimo midnimo, waanu ka xoog badnaa, haddana waynagaa ka qaadnay Dalkeenii, Somaliland Gacanta ayaanu ku dhignay, Dhiig iyo Dhidid ayaanu u hurnay Gacanta ayaanu ku haynaa, adeerkaa wuxuu waxba nagaga qaadi waayay diyaarado, Calooshood u shaqaystayaal uu keensaday, Bambooyin buu nala dhacay, laakiin Banaan cad baanu marinay, Adiguna kalmad aad ka soo tidhaahdo Xamar oo aad koxooti ku tahay oo aad berri ka tagaysid waxba ka soo qaadi mayno.”


Guddoomiyaha UCID Waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku yimid fursad ay siiyeen waxa uu ugu yeedhay USC "Waxa fursadda ku siiyey waxa weeyaan Talo xumida USC iyo hoggaan xumida Somaliland, Somaliland dalkeeda way haysataa, qalad bay ahayd in la idinla fadhiisto, Kursiga aad ku fadhidaan khalad weeye, waayo? waynu wada dalbanay (Kursiga Qaramada Midoobay), laba dal baa dalbaday, dalna wuu jiraa midna ma jiro, dalkii aan jirin baa la siiyey Kursigii, laakiin waanu ka daba tagaynaa, sidii Taiwan looga saaray Qaramada Midoobay, waxaanu ballan ku qaadnay inaanu Qaramada Midoobay idiinka saarno oo aydaan fadhiisan. Waxba Af nagaga qaadi maysid, waxba nagaga qaadi maysid Facebook iyo Ciyaal lacag la siiyo..”ayuu yidhi.

Loading...
Loading...