"Farmaajo Waxaan Leeyahay Ha Riyoon Ee Toos " Siyaasi Cali Warancadde
Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ku dooday in hadallada noocaas ah ee madaxda

Hargeisa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag uga jawaabay hadal dhowaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi (Farmaajo) ku sheegay in ‘Somaliland ka quusatay aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka muddo 30 sanno ah oo ay raadinayeen’.
Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ku dooday in hadallada noocaas ah ee madaxda soo Soomaaliya ka soo yeedhay u muujinayaan shacabka Somaliland cadaawad iyo naceyb ay u hayaan, waxaanu Mr Farmaajo uga digay inuu ku dhiirrado waxyeello uu ula badheedho ama kaga soo horjeesto rabitaanka shacabka Somaliland.
Cali Maxamed Waran-cadde ayaa arrintan iyo qodobbo kale kaga hadlay waraysi uu magaalada Hargeysa ku siiyey telefishanka madaxa-bannaan ee Bulsho.
"Maamulka Xamar jooggaa ma ogola wixii aynu soo dagaalanay iyo Xorriyaddii aynu 1991-kii dib ula noqonnay, markaa waan soo dhawaynayaa in wixii uu Colaasha ku hayay uu soo tufo, waxaanse leeyahay arrintaasi waa mid xaqiiqadda ka fog, waxaannay muujinaysaa khiyaamadda ay ku waddaan bulshaddooda oo ah Somaliland ayaa wada-hadal noo socdaa si aynu u midowno, taanna waxaan halkan ka caddaynayaa oo siyaasiyiinta reer Somaliland horenna u caddeeyeen inay tahay arrin aan waxba ka jirin.
Farmaajo waxaan leeyahay iimaanso, arrintaasi way kaa horraysay oo dawladdo kaa xoog weyn oo dawladdii kacaanka oo kaa xoog waynayd ayaa lagala noqday Xorriyadda iyo Madax-banaanida Somaliland, maantanna meel aad wax ka soo celin karto ma joogto. Xooggaaga yar ee Ciiddammada ay dalalka shisheeye soo tababarraan ayaad is leedahay wax baad ku muquunin kartaa, waayo waannu fahamsannahay halkaad wax ka dawo, taasinna waa baabacaddaas oo timo ka soo baxaan.
Somaliland iyaddoo jabhad ah ayay dawladdii Africa ugu qiimaha badnayd ay jebbiyeen, maantanna iyagoo awood leh oo Ciiddan, Quwad iyo Qarannimo haysta iyo adigoo sida caruurta loo xannaaneeyo manna garannaayo riyaddaas, laakiin waxaan ku leeyahay taariikhda dib u raac oo dawladdii Kacaanka ee Africa ugu xoogga waynayd dib uun u eeg, Somalilandna maaha mid xoog lagu keenni karro ee ka quuso taas."
"Ictirraaf ayay waayeenna oo ma hellayaanna waxaan leeyahay waa Beentii, maalin aan fogayn Jimciyadda qurruumaha ka dhaxaysa waxa iman doonta su'aash ah Xorriyad maanta la haysto ee Lixdankii yaa lahaa?laakiin taasi Indhihiisa ayay hor iman doontaa. Xarunta Qaramadda midoobay ma taallo Soomaali Talyaani gumaysan jirey oo aqoonsi la siiyay, laakiin waxa taalla somaliland protectorate. Somaliland intaasoo dawladdood ayaa ictirraafay oo aqoonsigii aynu qaadanay ayaynu huwinay Soomaaliya, cidda maanta aan madax-bannaani haysan ee cidladda fadhiyaa waa Soomaaliya" Ayuu yidhi Siyaasi Cali Warancadde.
Loading...
Loading...


0 





