Amiirkii Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad oo geeriyooday

0
Tuesday September 29, 2020 - 19:01:07 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirkii Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad oo geeriyooday

    Hargeisa(HWN):-Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah,

Hargeisa(HWN):-Amiirkii muddada dheer xukumayey dalka Kuwait Sheikh Sabah Al Ahmad Al Sabah, ayaa maanta geeriyooday isaga oo 91 jir ah, waxaa sidaas sheegay taleefishinka dowladda.
Sabah al-Ahmad al-Sabah


"Ayada oo murugo weyn ay tahay, waxaan la tiraanyooneynaa dhimashada Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, amiirkii dalka Kuwait,” waxaa sidaas yiri Sheikh Ali Jarrah Al-Sabah, oo ah wasiirka arrimaha boqortooyada, oo la hadlay taleefishinka dowladda.

Sheikh Sabah ayaa waxaa laguu xusuusan doonaa diblomaasiyaddiisa siyaasadda Bariga Dhexe ee uu isku dayey inuu ku xaliyo khilaafka u dhaxeeya Qatar iyo dowladdo kale oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Sheikh Sabah ayaa waxaa lagu wadaa inuu beddelo walaakiis, ahna dhaxal-sugaha Sheikh Nawaf Al Ahmad Al Sabah. Sheikh Sabah ayaa ahaa 91 sano ah jir. Waxaa la keenay dalka Maraykanka gaar ahaan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota bishii July kadib markii mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegeen inuu xanunsanayo.

Ka hor ita uusan noqonin Amiirka waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi muddo ka badan 40 sano.

Loading...
Loading...