Xildhibaanno Ka Tirsan Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xeerkii La Ansixiyay Ee Doorashooyinka
Xildhibaanno Ka Tirsan Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Xeerkii La Ansixiyay Ee Doorashooyinka

Hargeisa(HWN):-Xildhibaannada gobollada galbeedka iyo Barriga Somaliland oo Shir jaraa'id ku qabtay xarunta golaha Baarlamaanka Somaliland ee Caasimadda Hargeisa, ayaa ka soo horjeestay Xeerkii ay Ansixiyeen golaha Wakiilladu ee Doorashooyinka.
Xildhibaannadan ayaa meesha ka saarray Warar maalmihii u danbeeyay baraha bulshadda lagu faafiyay oo sheegaayay inay iska casillayaan Kurraasta Baarlamaanka ee ay ku fadhiyaan.

"Halkan waxa ku dhan Xildhibaannadii beelaha darafyadda ee Somaliland. Xildhibaannadan oo sida aad la socoteen dibad-joog ka ahaa Xeerkii golaha horyaallay ee Doorashooyinka. Xeerkaas oo uu golaha Wakiilladu ansixiyay, waxaannad ogtihiin in Somaliland ay ka kooban tahay gobollo, kurraasta aanu ku fadhinana waxaannu ku matalnaa gobollo, markaa Xeerkaas doorashooyinka dibadda ayaanu uga baxnay annagu haddaanu nahay (Xildhibaannada) gobollada galbeedka iyo Barriga Somaliland, waxaanna isu coddeeyay beeshii dhexe ee aanu ka cabanaynay ee Isaaq, markaa hadday noqdeen Isaaq Land, annaguna waxaannu la bixi doonnaa Somaliland intayadda kale." Ayuu yidhi Xildhibaan ka soo jeedda gobolka Awdal
"Cabashaddu labadda dhinac-ba way ka jirtaa, laakiin waxaad mooddaa dhinaca Barriga inaanay u abaabulnayn sida ay u abaabullan yihiin galbeedku, balse darreenka waa isku mid oo cabashadda waa la wada qabbaa, waxaannad mooddaa in dhinaca Barriga uu Afkiiba juuqda gabay. Saami-qaybsiga aannu ka hadlaynaa mid ilaa xad Boqolkiiba laba Boqol gaadhay. golaha Wakiilladu waa astaan qaran, waxaannay ahayd in goluhu uu cabashadda aanu qabno uu hoos u eeggo, markaa si kasta oo wax u dhaceen Xeerkaas doorashooyinka waa la ansixiyay annagoo dibadda ka joogna, markaa su'aashu waxay tahay waa'ayo cidda Ansixisay, maaddaama aannu annagu dibadda ka joognay, way iska caddahay oo waa beeshii dhexe ee laga cabannaayay" Ayuu yidhi Xildhibaan ka soo jeedda beelaha Barriga Somaliland oo ka tirsan golaha Wakiillada.
Si kastaba ha ahaatee, wali waxa taaggan tabashadda ay qabaan gobollada Barriga iyo galbeedka Somaliland ee saami-qaybsiga Kurraasta golaha Wakiillada Somaliland, waxaannay ku dooddayaan inaanay doorasho galayn ilaa meel la saarro tabashoodda.
Loading...
Loading...


0 





