Saxaafad Sharfan Mise Mid Qabyaaladeed!

0
Tuesday September 29, 2020 - 10:01:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxaafad Sharfan Mise Mid Qabyaaladeed!

    W/Q: Guuleed Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Guuleed Maxamed

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa aad ugu soo badanayey dhulka soomaalida warbaahinta noocyadeeda kala duwan, ha noqoto Website, TV ama idaacado. Haddaba saxaafadda dhulalkeenna ka hana qaaddey waa wax lagu farxo in ay yagleelmaan balse ma yihiin qaar sidii loo baahnaa looga faa’ideystay mise waxa ay isu bedeleen warbaahin ummadda kala disha?



Maalmahan dambe waxa Soomaalilaand ku soo badanayey tiifiiyo, tiifiiyadaasi ma yihiin qaar u shaqeeya sidii loogu talo galey? Sideedaba waxa meesha taalla su’aasha ah "Maanta maxaynu uga baahannahay telefishanno?”.


Baraha bulshada siiba Facebook-gu waxa uu noqday maanta meesha laga helo wararka iyo dhacdooyinka muhiimka ah. Markaas Telefiishannadu waa in ay muhiimmad gaar ah siiyaan doodaha wax laga dheefayo ee aqoon kororsiga ah. Midna waa in la ogaadaa, saxafiga saxaafadda ka shaqaynayaa waxa uu u baahan yahay in uu barto laba tiir oo muhiim ah isla markaana tayadiisa kor u qaadi kara. Labadaas oo kala ah:


1: In uu warkiisu noqdaa mid lagu kalsoon yahay isla markaana anshax leh

2: waa in uu warkiisu noqdaa mid xiise gelinaya dadka dhageystayaasha ah. Haddii intaas laga helo waxa hubaal ah in wariyuhu uu noqon doono mid aad looga dambeeyo bulshadana sumcad kuleh.

 

Wariyaha waxa ka mamnuuc ah in uu si qayaxan beelo carrabka ula raacraaco isagoo caqligiisa ka horreysiinaya caaddifaddiisa. Wariyeyaasha la hiigsado oo dhami inta badan marka ay wax wareysanayaan si qayaxan uma sheegaan umana dhexgalaan qabyaaladda ama dhinacyada is haya. Shacabka in aad dhex u ahaatid waa waxa ugu fiican ee qofka la higsadaa gaadhi karo. Maalin ayaa waxa kulmay innamada saxaafadda iyo sheekha caanka ah ee sheekh dirir, markii la waydiiyey maxaad u dhexgeli wayday siyaasiyiinta is haysta, waxa uu sheegay in marar hore loogu yeedhay oo uu dhex galey si uu islaax uga dhex sameeyo dhinacyo mar siyaasadda isku hayey oo qaar gartii heleen balse jawaabtii shacabka kaga soo noqotey ay ahayd…Sheekhu wuu wanaagsanaaye maanta gartii dhinacayagii ayuu ku foorariyey. Qarnigan aynu maanta joogno siyaasadda soomaalidu gebi ahaanteed waxa ay ku dhisan tahay is beelaysi, markaa haddii aad beel noqoto cidina waxba kuu dirsan mayso. Ugu dambayn Saxaafadda, Abwaannada iyo Culimadu waa saddexda tiir ee loo baahan yahay in ay ummadda jiheeyaan isla markaana dhexdhexaad u noqdaan waxaana laga rabaa in aaney ku milmin siyaasadda.


Axad

W/Q: Guuleed Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...