Azerbaijan iyo Armenia W/Q Mohamed Aden Hassan.

0
Tuesday September 29, 2020 - 09:37:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 956
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Azerbaijan iyo Armenia W/Q Mohamed Aden Hassan.

    TWITTER: HON Mohamed Aden Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TWITTER: HON Mohamed Aden Hassan

Azerbaijan iyo Armenia waa labo dal o dhaca Badhtamaha qaarada Asia waa labo dal o kala awood  wayn dhinac dhaqaale iyo military , Azerbaijan waxa u kaalinta 64aad kaga jirtaa  kala saraynta dhinaca millatry halka Armenia kaga jirto kaalinta 111aad .

 

Labadan dal waxay ka tirsanyeen midawgii Soviet waxayna dhacaan gobolka Caucasus.

 

Waxay isku heestan gobolka Nagorno-Karabakh o dunidu u aqoonsatahay dalka Azerbaijan Balse ay ku noolyiin dadka Armenia waa labo dal o kala diin duwan.

 

Hadaba waa maxay danaha is diidan ay ka leyihiin Russia iyo Turkey Xiisadan?

Horta dalka Armenia waxa loogu yeedha Israel sha Caucasus waa dal aad u dhib badan waxa uuna marti galiyaa saldhigyo millatry o ay leyihiin Israel.

 

Ruushku damaca ugu wayn e dagaalka soo galiyay waa horta xudud ayay leyihin o hadii Armenia laga adkaado waxa meesha ka bixi doonta hal arin o ah in todobad dal e isku luqada ku hadla e ay ka midyihin turkey  iyo Azerbaijan in  ay dhinac iska raacan marka xaga xuduuda laga eegayo o hadii Armenia meesha ka baxdo waxa isu furmi doona todoba dawladood o in ay dhinac iska raacan laka la ilaalinayo waa sirta ugu way ee ruusha ka  damacsanyahay ruushku.

Turkiga halka u ka duulaya waa in ay isku qoomiyad yihiin dalka Azerbaijan xuduudna wadaagan isla markaana yihiin hal shacab iyo laba dawladood waxa kale o jirta in ay mashaaric waawayn ka dhaxayso sida dhuumaha Gaaska ee ka yimaada Azerbaijan soo mara Georgia soona gaadha turkiga una gudba ilaa Europe taas o sanad walba ay maraan dhumahaas 16MC oo gaas ah.

Waxa kale o jirta arrin iyo damac aad u wayn o labada dawladood ku kala safanyihiin o ah dhinaca diimaha waa ruushka iyo Armenia o dhinac ah iyo turkey iyo Azerbaijan o dhinac ah.

Balse waxa jirta dano fara badan oo turkiga iyo ruushku wada ilaashanayaan o ah sida mashruuca wayn ee gaasta dhuumaha ee Turk stream pipelines e ruushku soo dhex mariyo dalka turkiga isla markaana ugudubta dhinaca qaarada Europe iyo mashaaricda hubka e labada dawladood ku wada jiraan e qarsoodiga ah.

 

TWITTER:     HON Mohamed Aden Hassan

            Email: [email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...