Maxaa Kala Haysta Madaxweynaysha Somalia Iyo Raiisal Wasaarayashooda

0
Tuesday September 29, 2020 - 09:27:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Kala Haysta Madaxweynaysha Somalia Iyo Raiisal Wasaarayashooda

    WQ/Rashiid Odowaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ/Rashiid Odowaa

 

 

 

Marka horeba iyadoo duruufaha iyo caqabadaha ku xeeran ay aad u badanyihiin ayaa haddana Xukumad kasta oo Loo dhiso Somalia oo gacan ay ku leeyihiin beesha caalamku ayaa waxa uu ku dhamadaa muran dhex mara Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaraha waxana uu ka soo bilaabmaa Xukuumaddii Carta lagu soo dhisay Sannadkii 2000 kii waxa loo doortay Madaxweyne Cabdi Qasim Salaad Xassan waxana Ra’iisal wasaare loo magacaabay Cali khaliif Galaydh,muddo yar gudeheed ayay is khilaafeen.



Mushkiladdu waxay ka timaaddaa inta badan Awood qaybsiga,Sanadkii 2004kii ayaa beesha caalamku soo jeedisay in Madaxweyne C/laahi Yusuf laga dhigo Madaxweyne sharafeed aan Hawl qaban ee ahada (Ceremonial) Isla markaana Cali Maxaed geeddi laga dhigo Ra’iisal wasaare Awood Fulined leh oo isagu shaqada qabta hase ahaatee markii muddo Sannad ah sidii lagu shaqaynayay Ayay C/laahi yusuf is qabteen Cali maxamed geedi waxayna ku danbaysay in Cali maxamed geedi is Casilo oo jagada banneeyo waxa ku xigay Nuur Xassan Xuseen (Nuur cadde) isagana way is qabteen hase ahaatee markan waxay noqotay inuu C/laahi yusuf jagada banneeyo Oo uu Nuur Cadde hadho.


Dastuurka Somalia oo isaga laftiisu ku meel gaadh ah oo ay ku jiraan waxyaabo aan caqliga saxda ahi aqbali Karin oo xattaa Somaliland oo ka go’day Somalia 1991kii ayaa ku jirto, Runtana aad uga fog marka loo fiirsadona la garana yo inuu yahay wax la soo minguuriyay ama Koobbi ayaa waxa uu caddaynayaa inuu Madaxweynuhu yahay Awoodda ugu sarraysa isla mar kaana yahay Taliyaha guud ee ciidanka markay sidaas tahay ma noqon karto xukuumad Ra’iisal wasaare awood lihi uu ka hoos shaqayn karo.


Waddamada Faransiiska iyo qaar ka mid ah latin amerika ayaa leh habka ay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaruhu labaduba fulin leeyihiin waa habka loo yaqaan (Dual Executive) waxa se mid kasta u qeexan shaqada uu qabanayo,waligedna lama maqal iyagoo muransan.


Habkan Somalidu ku xiiqday waxa uu ahaa 1969kii wixii ka horreeyay Waxa jiray Dowlad Somaliyed oo leh madaxweyne sharafeed iyo ra’iisal wasaare awood leh sida tii C/rashiid Cali sharkaarke iyo M.I Igaal habka n waxa laga soo xigtay wakhtigaas Xukumadihi Talyaniga,Ingiriiska iyo Jarmalka,hase ahaatee haddii qaabkii ay ahayd loo raacayo waxbay ahaan lahayd.


Halkan waxaynu ka garan karnaa inaan marnaba habka Dowladnimo aanu marnaba kala caddayn nooca uu yahay,waana taas ta iska hor keenaysaa Madaxda u Sarraysa Dowladda,Wakhti kastaana sidaas ayunbuu ku dhamaadaa,waxa suurto gal ah inay ku habboonaan lahayd Somalia inay raacaan habka (Unitry Form ) waa Madaxweyne iyo ku xigeen oo hogaamiya golaha Fulinta iyadoo Baarlamka iyo garsoorkuna dhinacooda u jiraan.tani waxay faa’iido keeni lahayd in talada dalku meel ka go’do iasla markaana lagula xisaabtamo wanaag iyo Xumaan Madaxweynaha Talada loo dhiibo.


Ra’iisal wasaarihii ugu danbeeyaya ee Somalia Xassan Cali khayre ayay Ayuu khilaafkaasi galaaftay,kan uu hadda magaacabyna madaxweyne farmaajo ayaan la hubin waxa ay isla yeeli doonaan waxayse u egtahay "labadii nine e is raacay ee midkood yidhi haadkaasi muxuu ku dhacayaa ka dibna uu kale yidhi kolba keenna eega ayuu ku dhacayaa”


Hoos ka akhri waayaha ay isla soo mareen madaxweynayaasha iyo raiisal wasaarayaashu.


 

Tx

Madaxweyne

Ra’iisal wasaare

1-

C/qaasim Salaad Xasan

1-Cali Khaliif Galaydh

2-Cismaan Jaamac Cali

3-Maxamed Cabdi Yuusuf

2-

C/laahi Yusuf Axmed

1-Cali Maxamed Geedi

2-Saalim Caliyow Ibrow

3-Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde)

3-

Sheekh Shariif Sh axmed

1-Nuur Xasan Xuseen

2-Cumar C/Rashid C/sharmake

3-C/waxid Cilmi Goonje

4-Maxamed C/laahi Farmaajo

5-C/wali Maxamed Cali gaas

4-

Xasan Sheekh Maxamud

1-C/wali Maxamed Cali gaas

2-Cabdi farax Shirdoon (Saacid)

3-C/wali sheikh Axmed

5-

Maxamed Clahi farmajo

1- Xassan Cali Khayrre

2- Maxamed xueen rooble

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...