Waddani U Dhamaatay Qore Khadar Ibrahim

0
Tuesday September 29, 2020 - 09:24:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani U Dhamaatay Qore Khadar Ibrahim

    Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.



Dadkii hore waxay yidhahen saaqid waliba  wuxuu doonta Saaqidkiisa !!!. waana run oo shaqsiga ay guusha la garab taagantahay wuu neceb yahay saaqid xaasida . noocaas ma oofiyo wacadka eebbe ee u galo wuu garab maraa!!.hadaba sida aanu uwada ogsoonahay xisbigii dhamaa ee WADDANI wuxu noqday goob ay dibjiriyaal siyaasi isku sheeg ah oo afka u galay,mucaaridadii dhamaydna wuu iska daayay oo wuxuu noqday xisbi hoos gala xisbkul xaakimka KULMIYE oo u soo dhiibay.


waxaana hadalkayga u raad ah hadalkii o mar fagaaraha barlaamaanka ka sii daayay xildhibaan IBRAAHIN MAHDI BUUBAA OO ka TIRSAN XISBIGA waddani inu WADDANI aan ahayn MUCAARID ,oo kulmiye na ahaa xisbigii mucaarid nimadu ugu danbaysay!.


Bahasha carsaanyadda la yidhaa, way caggo baddan tahay, afarta jihana way u socotaa, lama garto dhinacay u dhaqaaqi doonto, Waxaa xaalkiisu sidaa ka dhigan yahay xisbiga WADDANI oon loo kala garan Karin Mucaarid iyo muxaafid!!!!. Mar waxaan la yaabay nin ka tirsan xisbigaa waddani BARKHAD BATUN oo tv yada ka dhex ooyayay oo lahaa in u waddani iyo taageeryaashiisu ay u xaraashaan hantidooda dad dhul xayirna laga gurayay!, waxaana u arka hadalkaa batuun badheedh la rabo in hanti laga ururusado taageeryaasha WADDANI oo haatan joojiyay dhaqaalihii ku kaabi jirayn xisbiga maadaama ay shaqadoodi mucaaridnimo ay ka saaqideyn.


WADDANI wuu qiiqaya dhaqaale iyo siyaasad toona ma hayo waxaana cidhib tiray oo jarka ka tuuray siyaasiyiin isku sheega oo aan xirfada siyaasada ogoonayn , maalin walba la taagan tanazul iyo doqonimo iyo shir jarayid madhalays ah oo hadal mooyaane aan ficil lahayen!.


Sida u sheegay IBRAAHIN BUUBA waddani maaha xisbi mucaarid ee waa NGO amba pre paid xukuumaddu ku shubato siyaasaddeeda ,waana u guul xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE ee muujiyay khibradiisa iyo sida u la tacaalo mar walba siyaasadda dalka.halka WADDANI iyo UCID ba ay saaxadda ka maqan yihiin oo ay khasaarad la taagan yihiin iyo dawarsi.

Qore khadar ibrahim cabdi mataan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...