Madaxda Africa Ee Hada Talada Jooga Waxa Looga Fadhiyaa In Ay Ka Tagaan , Taariikh
, Hal-Abuuro Iyo Hogaamiyayaashii Barito !!
( Adiga oo dhaxal reebi kara , ha noqon dhinte aan la tebin ).
Dalkasta iyo qaarad kasta oo aynu hiigsano ama u naqaano wadamada
hore u maray waxa tacab galiyey oo halkaa ay joogaan iyo wanaagaa lagu
majeeranayo u sameeyey dadkiisa , xaqiiqaduna waxa ay tahay umad waliba
waxa ay iska dhigto ayuun baa taariikhda u gali doona .
Qaarada Africa waa qaarad khayraadkeedu dihin yahay oo aan 99% wali
la soo saarin isla markaana u baahan in la daah furo oo loo guntado
sidii loola soo bixi lahaa ee looga maarmi lahaa kaalmo shisheeye iyo
mucaawimo aduunka kale ku kabo.
Africa marka hore waxa ragaadiyey saameyntii ay kaga tageen
dawladihii ku soo duuley ee reer yurub oo noloshii ,dhaqanadii iyo
aqoontii dabiiciga ahayd ee ay lahaayeen dadkani ka baabiiyey isla
markaana u raray nolol, aqoon iyo dhaqano kale oo aan dadkani iyo
deegaanka ay ku nool yihiin aan anfacayn.
Waa marka labaad e Africa waxa laga dhigtay isticmaale ( consumer )
wax aanu lahayn oo waxa ay noqotay suuq aduunka oo dhami ku soo tartamo
taasi waxa ay meesha ka saartay wax soo saarkii iyo horumarkii qaaradu
sameyn lahayd oo waxa ay ku noqotay curyaamin kale marka cidwaliba waxii
ay soo saartay u iib keentay.
Waxa sida oo kale ragaad ka dhigey in aanay qaaradu helin hogaamin
ka saarta maamul xumada, musuq-maaduqa , colaadaha , gaajada, faqriga,
horumar la'aanta oo la timaada hal abuur laga dhaxlo oo ay u aayaan
da'yarta qaarada Africa u kacday .
Marka la iskuwada daro qaarada Africa dalal kooban ayaa leh nidaam
wanaagsan oo socda oo koraya isla markaana seeskoodu adag yahay laakiin
qaarada Africa inteeda badani waa mid u nugul burburka iyo isku qabsiga
talada iyo hogaaminta dalka , taasina waxa dhaliyey in aanay lahayn
nidaam wanaagsan oo lagu kala badbaado ama aan loo jeexin sees adag oo
dawladnimo .
Arimaha kale ee dib u dhaca ku riday qaarada Africa waxa ka mid ah
farogalin shisheeye ay ku hayaan dawlado iyo shirkado raba in ay
khayraadkeeda gurtaan , amaba raba in aanay Africa isku filaan oo
curyaamin siyaasadeed kuwada taasi oo aan qorsoonayn oo ah waxa keenay
colaadaha iyo dagaalada la dhex dhigo dadka Africa.
Aduunyadu mar uun baa lawada abuuray dadkan ku guud nool laakiin
waa la kala hor fekeray uun , oo qaaradaha iyo wadamada aynu u naqaan
qaar hore u maray waxa ay ku gaadheen halkaasi dedaal oo ay kaga soo
baxeen dhibtii hore ee nolosha , waxaaba tusaale loo soo qaataa in
dhibaatadu fekerka iyo horumarka dhaliso sababta oo ah qaaradaha kale
qaarada Africa ayaa ka dhul wanaagsan kana khayraad badan.
Maanta madaxda Africa waxa u yaalla in ay ka fekeraan qarniyada soo
socda waxii ay uga tagi lahaayeen taariikh iyo hal abuur dadkooga isla
markaana u noqon lahaa dhaxal iyo magac wanaagsan oo ku xardhanaada
taariikhda dalalka iyo guud ahaan qaarada Africa.
Sidoo kale waxa iyagana laga rabaa Madaxda Maanta Africa hogaamisa ;
sameynta nidaam wanaagsan oo soosaara hogaamiyeyaashii barito sii wadi
lahaa taariikhaha iyo dhaxalka wanaagsan ee hogaamiyeyaashii soo
ababiyey uga tageen, iyaguna da'yarta dambe sii gaadhsiiyaa taariikhdaa
iyo hawlqabadkaa wanaagsan ( legacy ).
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...