Muuse Biixaw Jawaabta Farmaajo Ma aha Tan Aad Bixisey

0
Tuesday September 29, 2020 - 09:17:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixaw Jawaabta Farmaajo Ma aha Tan Aad Bixisey

    W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Najiib Ismaaciil Maxamed

Muuse Biixaw Jawaabta Farmaajo Ma aha Tan Aad Bixisey Ee Somaliland Ictiraaf La,aanta Waxey Lawadaagtaa Dalal Badan oo Adiinyada ah Laakiin Soomaaliya Sodonkaa Sanadood Ee Ay Xero Dhiigta Noqotey Majirto Cid Ay Aduunyada Lawadaagto.

 

Umada Aad Hogaamiyaha Madaxweyne Farmaajow Tahey,Waxey Ubaahan Tahey Ictiraaf Gudahooda ah iyo Is Aaminaad Dhexdooda ah iyo Amni ay kaga Nastaan Nabadgalyadarada Haseyeeshee,uma Baahna Waxaan La Kulmey Aby Ahmed, Waxaan La Shirey Ismaaciil Cumar Geele Waxaan Dhex Fadhiistey Jamciyada Quruumaha Ka Dhaxeysa, Waxaan Lahadley Madaxweynaha Turkiga, Waxaas oo dhan oo ay uga Muhiimsan tahey inaad Sugi karto oo aad isku Daydo, Amni iyo Xasilooni ay Umadu ku Seexato Sida Somaliland.

Dhibaatooyinka Soomaaliya Haystey Sodonka Sanadood, iyo Maanta Oo uu Madaxweyne Ka yahay Waa mId aanay Jirin dal Kaliya oo La Wadaaga aduunyada, Waxaana intaaba Soo Marey Madaxweynayaal Gacan ku Rimis ah Waxaase Dhibaato ugu Filan Isaga Weerarka uu Kiiniya ku Qaadey oo uu Ku Doonayo in Lagu Doorto Mar Labaad,khasaarihiisu yahay Dhimasho iyo dhaawacyo, kale Farmaajo Wuxuu Ka Doorbideyaa inuu Si Fiican Kursiga uga dego in Kuukuuyadu Ku Shiish Barato Umadii uu Higaamiyaha u ahaa.

 

Madaxweyne Farmaajo Hadii uu Iska indho Xaqiiqda Kahirta Meesha uu Hogaamiyaha ka Yahey Waxey Kamid Noqonaysaa Cudurka Kaa Gala Fardaha Hadii Laga Gubo Dameer, Daawada Lama Gaadhayo, Kama Soo Kaban Doono Daqarada uu Gaadhsiiyay Raysalwasaarihii Xilkan Laga Qaadey Xasan Cali Kheyre.

 

Waxaan kusoo Gabagabeynayaa Hadalkeyga, Somaliland Ictiraafka uu ka hadley Ee aaney ka haysan Aduunka Waxey la Wadaagtaa Dalal Badan oo ay kujirto Taiwan oo Hurumar iyo dhaqaaleba leh laakiin Xero dhiigta Muqdisho Tahey Muuse Biixi isagaan kuu Jawaabi karahayne, jawaabtaadu Waa Taas.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tel:0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...