Nin-ba Weelkii Wuxu Ku Shubtuu Ka Waraabaa ( Abdi-Shotaly).

0
Tuesday September 29, 2020 - 09:12:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin-ba Weelkii Wuxu Ku Shubtuu Ka Waraabaa ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Somalidu waxay tidhaahaa "Weel waliba waxa ku jira buu dhididaa" oo micna-heedu yahay, qof kastaa wixii uu dhitaystay buu madha-xeedda maalaa, si kale hadaynu u dhigno, waxay iyana noqonaysaa, ruux kaste wixii uu galay baa debedda uga soo if baxa, si kaste oo uu isugu dayo in uu qariyo ama dedo-ba. waxan uga socdaa, wixii la hadoodi-laaba mar bay soo shaac baxaan iyadda oo aan cid joojin kartaa aanay jirin, oo xumaantii lagu qarinaayey banaanka ay yimaadaan iyadda oo aanay jirin cid celin kartaa haba yaraatee. dulmiggii iyo cadaalad dararaddii ka bilaabantay kolkii ay askartu boobtay doorashaddii 13/11/2017, ee loo adeegsaday awood dawladeed, muruq iyo maal-ba ( sidaa uu shaaca ka qaaday, una cadeeyey Muxamuud Xaashiye, oo ka mid ahaa raggii u laba-dib-laystay soo saaridda askariga " Raggii ma adiga aka hadhay Iyo geen iyo Shaaximan) Wuxuu-se ka dhaxalay in isaga debedda loo tuuro, markii lagu meel gaadhayhday, waa taas cidla ku ban-jartay beentii la lahaa doorasho xaq ah baa dhacday, maanta cid-na kama qarsoona waxa ay xaqiiq-du tahay iyo qaabka ay wax u dhacay inta-ba, Akhristaw, wax dambe oo laga dhegaysa-nayaana way soo dabar go'day, cadceed sacab laguma qarin karo, ka isku dayaay-na waa mid aan geeriddii nebiga ogayn (CSW). Maah-maah bay wxay ay tahay sidda uu cinwaanka maqaalkan ku qoran " Nin waliba biyuhuu shubto buu cabaa" Haday dhooqo yihiin iyo haddii ay nadiif u yiin-ba, ee saw kama dhigna " Kulmiye" islaantii tidhi Allaw dooro ruqsay".

 

Ilaah haw naxariisto'e, Fanaankii weynaa ee "Cabdilahi diiriye Sooraan" baa hees uu qaadi jirey wakhti-yadda uu fanka ku jirey ( Kolkii dambe Wadaad weyn buu noqdaye), baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa " Haday run iyo been labadu ay beretamaan, bixitimaan, socodka way kala bad-shaan, ma bidsane hoy xaq iyo baadil iyana way kala baxaan" Waa run arin-taasi, beeni waxay shaqaysaa mudo yar oo aan sidaas u sii dheerayn, oo ay xoog u lugo fidsataa, laakiin-se meel ma gaadho weligeed, waxana ay ku dambaysaa iyadda oo waaqla ah ay naftu kaga baxday. Xusbiggii Kulmiye la odhan jirey, kama dambayn Madax-weyne AXMED Maxamed Siilaanyo, Xanfalay baa qaaday. Taageera-yaashi ugu badnaa, ee Xusbiga-ba unkay ama sameeyey waxay ahaayeen " Goboladda Bari" Maanta hor illaahay iyo fara madhnaan buu ka taagan yahay, isaga oo neef tuuraaya, geeri iyo nolol mid-na aan hayn, baa Askariga meesha ka cago juglay--nayaa uu u sii dhameeyey, kana gawracay qulaan-qulshaha, haada loo wadhay, oo uu ka dhigay wasalad xaaraan ah. dib-na looma soo bakhti afuufi karo, Horaa loo yidhi " Naf go'day iyo roob galbeed, mid-koodna haduu galbado gadaal uma soo noqdee, go'aankii hore miyaa, ayaamahan gaabiska ah" Kulmiye wuxu noqday " Qudhmiye, oo wuu ku daayey.

 

 Magaaladda  Manchester ee dalka UK ( Waa Boqor-tooyadda Ingiriiska'e). Waxa si cad uga baxay madaxddii iyo wax garadkii Xusbiga Kulmiye, sheegay-na in aanay jirin wax loogu sii jiraa, sababta oo ah isaga oo  Madxadda ka baxday waxa ka mid ah

(1) Prof Ahmed Ismaaciil,

( 2) Af-hayeenkii Susbiga  Mr Moaxamuud Ahmed Saxar,

(3) Hodan Jaamac Berberaawi oo iyana madaxdad gudidad ka mid ahayd.

(4) Xil-dhibaan Numeeri  iyo qaar kaloo badan oo aan la soo koobi karin.

dhamaan-toodba waxay ku gacan saydheen sidda wax loo maamulaayo, ee sharciggii dalka iyo distoorkii u yaalay loogu tuntay, oo uu nin kaliyi siduu doono ugu takri falaayo, baabi'iyeyna oo uu meesha ka saaray rajaddii ay umadan reer somaliland qabtay. Sidaas awgeed waxay yidhaaheen lama sii eegan karo xaq daradda xadka dhaaftay, waxana ay ugu baaqeen in toos looga dareero, lana tuso taag-tiisa isaga baa cirka roob ku oge, mar haduu iska noqday guri uu nin iska leeyahayXusbiggii, wax uu xeerina-yaana aanay jirin. Sidoo kale, Waxa maanta ay kaga dhawaaqeen Gudiddii Gobolka Togdheer ee Golaha dhex kaga jirtay, in aanay ka soo qayb gelayn Shir ku sheega bishan soo socota 4-teedda ka dhici doona Hargeysa, waayo ma jirto doorasho xor, xaq yo xalaal ahi, ee uu askarigu gaar u xidhay, ciddii la tartami lahayd-na la iska hor taagay. sidaas awgeed, waxa hore loo yidhi "Nin daad qaaday xumbo cuskaye" kulmiye wuxu hadda yahay qori daad wato, oo meel uu dhigi doono aan la garanayn. ma jirto rajo dambe oo laga sugaa, waayo qof dhintay dib ugu ma soo noqdo dunidan aynu ku dul noolahay.

* N.B Naf Go'day Iyo Roob Gal-beed Mid-Koodna Gadaal Uma Soo Noqdo!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...