Somaliland: Wasiir Sheegay Inuu Ka Bogsaday Covid-19
Laascaanood (HWN) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL
Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo muddo laba todobaad ah u jiifay xanuunka
COVID19 oo asiibay, ayaa ka bugsaday, kaddib baadhitaan lagu sameeyey
maanta.

Wasiirka oo tan iyo markii laga helay calaamadaha cudurka ku jiray
xaalad baxnaano ah, ayey saraakiisha caafimaadku u xaqiijiyeen in uu ka
buskaday cudurkaasi. Wasiir Koore oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa
xaqiijiyey in uu bogsaday "Alxamdulilah baadhitaan Caafimaad la igu
sameeyey Galabta waxa la ii cadayeey inan ka bogsaday Xanuunka Covid-19.
(Negative)”ayuu yidhi. Wasiirka ayaa tan iyo markii cudurka haleelay ka maqnaa shaqada
wasaaradda iyo goobaha ay madaxdu ku kulmaan, sida xafiisyada
Madaxtooyada iyo munaasibadaha dawladda. Waa Wasiirkii afraad ee uu soo rito xannuunka Covid19 tan iyo markii uu dalka ka dilaacay horaantii sanadka.


0 





