Wasiirka Caafimaadka Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda Caafimaadka Ee WHO

0
Monday September 28, 2020 - 20:51:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Caafimaadka Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay'adda Caafimaadka Ee WHO

    Si kastaba ha ahaatee, Xanuunka CORONAVIRUS ayaa dad badan asiibay, iyaddoo tiro dadkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si kastaba ha ahaatee, Xanuunka CORONAVIRUS ayaa dad badan asiibay, iyaddoo tiro dadkaas

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi (Cumar Badde), ayaa kulan la qaatay Madaxa ugu sarreeya Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO.


Kulankan waxa Wasiirka ku wehelinnaayay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaas, waxaanna lagaga hadlay heerka Caabuqa COVID-19-ka iyo la socodkiisa.


Kulankan oo ka qabsoomay Cusbitaalka guud ee Caasimadda Hargeisa ayaa lagu lafa guray sidii loo dardar-gelin lahaa hawlaha Caafimaad ee ka socda Cusbitaalka guud iyo sidii looga wada socon lahaa saamaynta Xannuunkaas safmarka ah ee Covid-19.

Sidoo kale, Weftiga ayaa kormeer ku maray qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka guud Hargeisa, iyaddoo Warbixinno kala duwan laga dhagaystay hawl-wadeenada iyo maamulka gacanta ku haya goobaha ay kormeereen.

Wasiirka ayaa Shaqaalaha Cusbitaalka guud ku boggaadiyay hawlaha Caafimaad ee ay ummadda u hayaan, waxaannu ku dardaaray inay wada-jir iyo isku duubni bulshadda ugu adeeggaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xanuunka CORONAVIRUS ayaa dad badan asiibay, iyaddoo tiro dadkaas ka mid ahinna ay u dhinteen, inkastoo aannay dhimashaddiisu badnayn, hase-yeeshee Guddigii ka hor-tagga COVID19 ayaa qaadday Xannibaaddii ay saarreen Shacabka ku dhaqan Somaliland.

Loading...
Loading...