UCID Oo Xukuumadda Iyo Dawladdaha Hooseba Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilmeen Adeegyaddii Bulshadda

0
Monday September 28, 2020 - 18:37:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UCID Oo Xukuumadda Iyo Dawladdaha Hooseba Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilmeen Adeegyaddii Bulshadda

    UCID Oo Xukuumadda Iyo Dawladdaha Hooseba Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilmeen Adeegyaddii Bulshadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UCID Oo Xukuumadda Iyo Dawladdaha Hooseba Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilmeen Adeegyaddii Bulshadda

Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Xuseen waxa uu Xukuumadda Muuse Biixi ku eeddeeyay inay dayacday adeegyaddii aasaasiga ah ee bulshaddu u baahnayd.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilihii Ugu Badnaa U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Biixi - Geeska Afrika Newspaper


Guddoomiye Faysal oo safar shaqo ku jooga magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa waxa uu tilmaamay inay baylah badani ka jirto dhinaca Horumarinta goobaha danta guud, isla markaanna ay Xukuumadda iyo Dawladdaha hooseba ka seexdeen hawshaas.

"labaddii maalmood ee aan halkan joogay, waxaan arkay ururro waddaniya oo iskood isu xilqaamay, waxaan arkaayay dhalinyarro iskood isu diray oo tuullooyinka iyo meelaha kale ee Miyiga ah gaadh-siiya Caafimaad iyo shaybaadho, idinkunna garroonkii baad ka shaqayseen, waxaad u baahan tihiin inaad qiimaysaan waxa ku baxaaya oo aad markaa noo keentaan, qofkastanna tidhaahdaan maxaad ku darsanaysaa intaas baa ku baxaysee" Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

"Xukuumaddii dhexe iyo dawladdihii hooseba way dayaceen addeegii bulshadda, maanta dalkeennu wuxuu baylah u yahay Xukuumaddii dhexenna ma shaqaynayso, tii hoosenna ma shaqaynayso, markaa in dadku ay gacmahoodda wax ku qabsaddaan waa innagu waajib, waxaynu ku saaqidnay noloshii aasaasiga ahayd ee Biyaha, Caafimaadka, Waddooyinka iyo Waxbarashaddu ka mid ahaayeen, arrinteenii waxay dhaafi wayday siyaasad gudaha ah." Ayuu yidhi Faysal Cali Xuseen.

Loading...
Loading...