Maxaad ka Ogtahay Khatarta! Sunta dilaaga ah ee Ricin?.

0
Monday September 28, 2020 - 10:51:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka Ogtahay Khatarta! Sunta dilaaga ah ee Ricin?.

    W/Q: Mawliid Maxamed Siciid. 2018

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mawliid Maxamed Siciid. 2018

Waa  mid kamid ah Sunaha adduunka ugu khatarsan, Sunta Ricin lagu magcaabo waxa ay ku dhex jirtaa midhaha Geed badana kabaxa  dalalka Maraykanka, Mexico, Hindiya iyo dalalka ku yaala bariga qaaradda Africa sida Sudan kaas oo lagu magacaabo Castor Tree.



Suntan ayaa iyadu ah mid ka samaysan budo caddaan ah, marka lagu dhex daro sida cuntada iyo Sharaabka  oo kale malaha wax dhadhan ah oo la dareemi karo mana laha wax midab ah oo ay ku samaynayso waxa lagu daro, waxana ay ka khatar badan tahay suntan (cyanide) ee aalaba ay isku khaarajiyaan Basaasiinta marka la qabto si aan looga helin wax sir ah.


Ricin qofku marka ay jidhkiisa gasho ee uu liqo gabi ahaanba waxa ay khalijisaan oo dishaa  markiiba  unugyada jidhka siiya Nafaqada iyo awooda, Indhaha oo  waxba laga arkiwaayo, waxana ay ku keenta Ruuxa Xumad aad u daran, Fuuq bax, Habka warreega dhiiga o khal-khal ku yimaado, Neefta oo ku dhigta qofka, ugu dambayna waxa ay ku sababtaa ruuxa geeri, mana sii noolaado maalin iyo laba wax ka badan.


Waxa kamid ah Sunta Ricin ee geedka Castor iniinyuhiisa kujirta dadkii loo adeegsaday ee lagu khaarajiyay 1987-kii Qoraaga iyo Suxufigii Georgi Markov ee BBC-da katirsana ee u dhashay dalka Bulgaria waxana Lugta lagaga duray Suntaasi iyadoo loogu soo xidhay dallada roobka laysaga dhigo caaradeeda hore oo lagu soo talaalay sunta Ricin isagoo dhex lugaynaya gudaha magaalada London, Waxana la sheega in Georgi  Markov uu khaarajiyay Basaas  katirsan sirdoonka Bulgaria oo  ay caawinaysay hay'adda sirdoonka Ruushka ee KGB.


Halista sunta Ricin waxad ka dareemi kartaa iyadoo  qaybo kamid ah la adeegsanayo Film-ka taxanaha ah ee "Breaking Bad” taasi oo muujinaysa khatarteeda iyo sida wax loogu khaarajin karo una galafan karto qofka, Goobaha uu ka baxo geedka Castor ee ay ku yaalaan  midhaha suntan Ricin waxa lagu dhajiyaa calaamaddaha khatarta muujinaya si dadku ay uga fogaadaan suntaasi halista ah ama aanay caruurtu u cunin iniin yaha geedka.


Mawliid Maxamed Siciid. 2018

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...