Doonimayo Odhanwaa, Dunidan Ruuxa Buuxsaday.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM:{S.C.W.R.W.B}.
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-DUNIDANI QOFKII NOOL,DAMAC KAMA DHAMAADO,
DACARUU KA LEEFIYO,DOOCAN MALAB MIDUU HELO,
DAAYEY RUUX ODHANWAA,DIIDAY MAYNU MAQALOO,
DADKU WUU KA SIMAN YAHAY,HABA KALA DARAADEE.
2-DARKAN KII FADHIYAYEE,DURDUURTE KA FULAYBA,
DURBABA SOO AROORO,DOONAAYA DOOR KALE,
DADKI KALE MAXAA HELAY,DALKAY CEEBKU YAHAYO,
DIBAD NOQO HABAAROW,DADKII MUU DHAMANINE.
3-DIMUQRAADINIMADII,KUWII LOOGU DAWGALAYEE,
QABYAALADAW DULEEYE,DELDELAYE U GAWRACAY,
DULMIGA U HESHIIYAA,DAGAAL UU DHEXYAALOO,
LAGU KALA DAREERYOO,DIB WAXAY KA NOQOTABA,
DUCAA LAGALA QUUSTAYE,DILAACYOO XAQII YIMID.
4-DALKA URURADIISUBA,DOORAYNKA MA DHAAFAAN,
DARIIQII WEEYE UDUBO,DUMAAL LAGAMA HELAYE,
KULMIYE WEYDIN DAAYEE,DOOLARKAN QUBAYSAAN,
UCIDBA DIYAARO DAALANE,MAA KU BOOBTAAN.
JSMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!