Baarlamaanoow Hambalyo!

0
Monday September 28, 2020 - 09:24:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanoow Hambalyo!

    Asalaamu Calaykum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asalaamu Calaykum


Waxaan Hambalyo u dirayaa Golaha Wakiilada oo Laalay Xeerarkii Shaydaaniga ahaa ee la inagu soo dhextuuray ee Kootada Haweenka iyo Beelaha laga Tirada Badan yahay.



Ma jirin Dulmi iyo Godob ka culus in la yidhaahdo oo weliba la isku dayo in Xeer lagu soo saaro Kooto loo xidho Beelaha Gabooye oo ay ka duwanaadaan Bulshada inteeda kale iyaga oo markii horeba go’doon cunsuriyadaysan ku jiray. Hadii Xeerkaas la Ansixin lahaana waxa ay dadka Beeshaasi ku jiri lahaayeen Go’doomin iyo Takoor sharciyaysan oo ilaa Jiilasha soo socda ee mustaqbalka raad ku yeelan lahaa oo tusi lahaa inay Ummada inteeda kale ka duwan yihiin.


Bulshada Beelaha laga tirada badan yahay waa Muwaadiniin la siman lana Xaq iyo Xuquuq ah Muwaadiniinta kale ee reer Somaliland, mana haboonayn in la yidhaahdo Kooto haloo xidho, halkii ay ka haboonayd in si cilmiyaysan loo daraasadeeyo waxna looga qabto caqabadaha ka hor taagan ka qayb galka Golayaasha kala duwan ee Qaranka.


Waxaan boqkiiba boqol aan kalsooni weyn ku qabaa in Beelaha Gabooye ay Awwood u leeyihiin inay soo saartaan Xildhibaano goloyaal deegaan iyo kuwo Baarlamaan iyaga oo aan kooto loo xidhin haddii ay helaan Taageero buuxda oo dhamaystiran oo Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadu ay siiyaan Murashaxiinta Beelaha laga tiro badan yahay.


Dhinaca kale Kooto ku sheegtii Haweenku waxay ahayd Mashruuc Shaydaani ah oo Ummadeena lagu soo dhex tuuray oo ay dabada ka riixayeen kooxo doonayay inay fasahaadiyaan Diinta, Damiirka iyo Dhaqanka Iyo Hidaha Ummadeena.


Haweenkeenu waxay inaga mudan yihiin Sharaf iyo Karaamo, waxaanay leeyihiin Xuquuq Muwaadinimo oo dhamays tiran, mana jirto baahi keenaysa in wax Kooto lagu sheego oo aynaan dhaqan u lahayn loo qoondeeyo.


Baarlamaanka Somaliland aad ayaan ugu Hambalyaynayaa inay daaqada ka saareen Kooto ku sheegtii soo gelaytiga ku ahayd Dhaqankeena iyo Diinteena.


Waad Mahadsan tihiin

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradaha Ganacsiga, Qorshaynta Iyo Arrimaha Debada Somaliland
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...