Labadii Waraysi Iyo Weriyeyaashii W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Monday September 28, 2020 - 09:22:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadii Waraysi Iyo Weriyeyaashii W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Is-Barbardhigga Heello iyo Hereri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Is-Barbardhigga Heello iyo Hereri

 

Waxa baraha bulshada haystay labadii waraysi ee ay kala qaadeen labada suxufi ee Heello iyo Hereri, ee ay ka kala qaadeen laba nin oo isku deegaan ka soo jeedaan. Waxa xiiso gaar ah lahayd sida uu midna shaqadiisii uga soo baxay mid uu badd weyn aan meelna kaga jirin saxaafadda u dhex dabaashay. Suxufi Yoonsi Cali Nuur ‘AHN”, ayaa laga hayey "sida masaajidka marka la soo gelaayo kabaha dibadda la isaga bixiyo, ayuu suxufigu wixii uu aamisanyahay dibadda ugaga imanayaa markuu soo galo shaqada saxaafadda”. Qormadan waxa aynu is-dultaagi doonaa wixii gefef saxaafadeed ka dhacay labadaa waraysi. Sideedaba waraysi marka laga hadlayo waxa aynu ku soo koobi karnaa:  "Waraysi waa kulan dhexmara weriye soo diyaarsaday su’aallo uu u soo bandhigayo shaqsi ama koox, kana raadinayo ra’iy ahaan iyo mowqif ahaan waxa ay ka aaminsa yihiin arrintan. Kaalinta weriyuhu waa inuu su’aallo keeno, sidoo kale la-waraysuhu waa inuu jawaabo ka bixiyo wixii la weydiiyey. La-waraystuhu waa inuu wixii la weydiiyey caddeeyo, difaaco, sharraxo ama diido.”



Heello Iyo Boqor Buurmadow

Waraysigan waxa si rasmi ah loo faafiyey 25/9/2020, waxaanu socday 25 miridh iyo 12 il-bidhiqsi. Suxufi Heello muddo dheer ayuu mihnadda saxaafadda ku soo jiray, hasayeeshee waraysigan uu ka qaaday boqorku wuu ka duwanaa kuwii uu hore u qaadi jiray. Lama odhan karo khibrad la’aan iyo aqoon la’aan saxaafadeed ayaa haysa. Laakiin waraysigan wuxuu ka dhigay mid labada ka arradan. Dhamman hadallada soo socda ee ka soo baxay afka suxufi Heello intii waraysiga lagu jiray, waa kuwa aan meelna ka soo gelin saxaafadda: wuxuu si cad ugu carrabka ugu adkeeyey BEESHA HABAR JECLO, oo saxaafad ahaan ahayd in la adeegsado BEESHA DEEGAANKAAGA.


Qoys baa la eryanayaa, Xiniiniyihiinii aad cid kale u dhiibteen, beesha cabatin laguma aqoone, ama gees u baxdo oo mucaarad noqoto oo ay buuraha guusho, maxaad la cabanaysaan iyo kuwa ugu tunka weyn ee wax isku darsaday”. Dhammaan hadalladaasi waxa kuwa ay keentay caadifad madax martay suxufigu, oo uu xakameyn kari waayey.waraysiga dhexdiisa lama kala garanayo suxufiga iyo la-waraystaha oo kaalin ma kala laha. Hadallada qaarkood ayuu u toosinayaa la-waraystaha, oo wejigiisa waxa toos uga muuqatay cadho aad moodayso inuu la dareen yahay la-waraystaha, waxaana wehelinaysay deg deg iyo hubsiimo la’aan meel ay ku biyo shubanayso aan la garanayn.


Hereri iyo Caarre

Waraysigani wuxuu socday 21 miridh iyo 49 il-bidhiqsi, waxaana la qaaday 23/9/2020. Suxufi Hereri wuxuu ku bilaabay bal derejadu loogu yeedho Caarre oo ahaa hogaamiyihii falaagadii Dulmi diid ee dagaalka hubeysan kula jirtay ciidanka qaranka Soomaalilaan. Waxaanu ku yidhi” maa taadii hore ee Kornaylka, ayaa lagugu yeedhaa mise tan dambe ee aad la baxday”.


Halka Heello uu ku bilaabay Beesha Habar Jeclo. Markaad eegto bilowga ayaa lagu kala tegay. Si degan ayuu su’aalaha u weydiinayey, intooda badan su’aaluhu waxa ay ahaayeen kuwa adag oo xittaa Caarre adayga su’aalaha dhawr jeer ayuu bisinka ku dhex qabsaday jawaabtii uu su’aalaha ka bixinayey. Meelnaba kagamuu darin caadifadiisa iyo waxa qalbigiisa ka guuxaya. Wuxuu si degan u adeegsaday Beesha aad ka soo jeedo, Heellana wuxuu adeegsaday beesha Habar Jeclo. La kala badan og, orod se maaha. Meelna kumuu muujin inuu la-waraystaha dhiniciisa yahay, su’aallo adag o si degan uga soo baxay afkiisa ayuu weydiinayey. Sidii caadada u ahayd saxaafadda, wuxuu weydiinayey caddaymo wixii uu soo bandhigo. Shaki kamu jiro inuu Hereri ka khibrad badan yahay Heello marka laga eego xagga shaqada, way se is-kabo leeg yihiin haatan.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

                                       

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...