Xeerka Dhismaha iyo Siyaasadiisa ba Badbaado Nafeed iyo mid Maal ba ku jirta..W/Q Ibraahin Khadar

0
Sunday September 27, 2020 - 18:39:43 in Articles by
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Dhismaha iyo Siyaasadiisa ba Badbaado Nafeed iyo mid Maal ba ku jirta..W/Q Ibraahin Khadar

    Xeerka Dhismaha iyo Siyaasadiisa ba Badbaado Nafeed iyo mid Maal ba ku jirta..W/Q Ibraahin Khadar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerka Dhismaha iyo Siyaasadiisa ba Badbaado Nafeed iyo mid Maal ba ku jirta..W/Q Ibraahin Khadar


Xeer lagu maamulo dhismaha (Construction law) aad baynu ugu baahanahay-uma baahnin oo kaliya ee badbaadada muwaadiniinta iyo qaranka dantiisa ku jirta. Waa xeerarka amniga nafta shakhsiga lagu ilaaliyo.

Image may contain: cloud, sky and outdoor, text that says 'THE CONSTRUCTION ACT'


Xeerka dhismuhu waa qayb ka mid ah shuruucda la xidhiidha dhisida dhismayaadha, injeerinka. Waa xeer koo sada oo ay ku urursan yihiin shuruuc iyo xuquuqo badan sida xeerka heshiisyada (contract law), xeerka ganacsiga (commercial law), qorshaynta (planning law),
Shaqada iyo magdhawga khaladaadka dhaca (employment law and tort).


Waxa uu inaga daboolayaa baahi badan oo sharci sida heshiishyada, dayacaada, tayada dhismaha. Waxa uu inoo dammaanad qaadaya helida dhisme tayo leh, haddii lagu xadgudbana waxa ka dhalabaya cuquubaad madani iyo kuwo ciqaabeed ba amma in hantida waafaqsanaan wayda dawladdu la wareegto.


Waa xeer lagu dhaqo shirkadaha, la-taliyaasha amma khubarada adeegyada dhishida ku shaqaysta amma fuliya sida hay'adaha maaliyadda, sarfee sameeyayaasha, nashqadaynta (architects), shaqaalaha dhismaha xuquuqdooda iwm.


Dhacdooyin badan oo dhismayaasha la xidhiidha naf iyo maal ba lagu waayey waxa loo heli lahaa xeer la marin lahaa sida dhacdadii Wajaale toddobaadkii hore dhammaadkiisii ka dhacday.


Waxa aan rajaynayaa haddii aan la samayn oo aan qabyo-qoraalkoodu hadda meel inoo yaalin in siyaadda dhismayaasha heer qaran (National construction policy) iyo xeerkeeda ba deg deg loo curin doono, fulintiidana la raaciyo.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...