Shacabka Maxamed Mooge Oo Ka Mudaharaaday Warshadda Isku Rid-qaysa Jayga Iyo Daamurka Ee Ku Dhex-Taala Madaarka Hargaysa.

0
Monday April 22, 2019 - 13:25:51 in News by
  • Visits: 2771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Shacabka Maxamed Mooge Oo Ka Mudaharaaday Warshadda Isku Rid-qaysa Jayga Iyo Daamurka Ee Ku Dhex-Taala Madaarka Hargaysa.

    Shacabka Maxamed Mooge Oo Ka Mudaharaaday Warshadda Isku Rid-qaysa Jayga Iyo Daamurka Ee Ku Dhex-Taala Madaarka Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Maxamed Mooge Oo Ka Mudaharaaday Warshadda Isku Rid-qaysa Jayga Iyo Daamurka Ee Ku Dhex-Taala Madaarka Hargaysa.



Hargaysa(HWN)Shacabka ku dhaqan Degmadda Maxamed Mooge ayaa saaka dhigay cabasho mudaharaad ah oo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warshadda Isku Rid-qaysa Daamurka Iyo Jayga oo qiiqa iyo ciid ay tuurayso ay waxyeelo caafimaad daro ka soo gaadhay bulshadda degmadaasi ku dhaqan.



Shacabkan ayaa tilmaamay in xukuumadda looga baahan yahay in ay talaabo deg deg ah ka qadaan Warshadaasi oo mulkiilaha isagu iska leh ay dhawaan xukuumadu qandaraas u siisay inuu dib u dhis ku sameeyo wadada isku xidha hargaysa iyo kala-baydh.


Ciidanka amaanka somaliland oo uu hor-kacayo taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan liibaan Fooxleh ayaa dajiyay bulshadii cabashadda qabtay waxaana uu ku war galiyay in cabashadooda laga soo jawaabi doono.


Shacabka ayaa taayiro ku gubay wadooyinka waxaana ay shegeen in amaro lagu rarayo oo uu bixiyo mareeyaha Haay’adda Duulista Somaliland Uu Buriyay Wasiir Xukuumada Madaxwayne muuse biixi ka tirsan oo tilmaamay in mulkiilaha Warshadu uu xukuumadda ku leeyahay dayn Aad Xad-Dhaaf u ah taasi oon wakhtigan u suurto galin Karin in laga raro.


Bulshadda Xaafadda Maxamed Mooge ayaa iyagu ku cabanaya in wasakhda ka soo baxaysa Marka ay Warshadu isku Rid-qayso Daamurka iyo Jayga ay caafimaad daro ka qadeen bulshadda u dhaw oo dhami,waxaana ay cadeyeen in dhakhaatiirtu ay kula taliyeen in shirkadaasi laga xidho madaama oo caafimaadka bulshadu uu halis galayo.


Warshadda ayaa waxa iska leh Suldaan Cabdirisaaq Cumaani oo ah Suldaan Ka Soo Jeeda Barig Burco,waxaana uu madaarka Dajiyay Shirkadiisa Wakhtigii uu Xukunka Taladda Dalka Hayay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo kaasi oo qaadan jiray Qandaraasyadda Lagu Dhisayo Wadooyinka,waxaana Lagu Xasuustaa In Xukuumadii Siilaanyo Siisay Qandaraaskii Muranka Dhaliyay ee lagu dhisayay wadada Madaxtooyadda Hor-Marta.


Wixii soo kordha kala soco hadhwanaagnews


Loading...
Loading...