Beer-Nugaylka Qaarkii Waa Bukaan Aan Dawo Lahayn ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday September 27, 2020 - 09:13:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Beer-Nugaylka Qaarkii Waa Bukaan Aan Dawo Lahayn ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

Horaa waxa loo yidhi " Gaal calool nugulaaye" Waxan dhegaystay " Kud Madaw" oo aad ugu yeedhaan ama u taqaanaan " Buur-Madaw", isaga oo sidda carsaan-yadda iyo bahalkii la odhan jirey "Gebgeblaha ama oday-geelii ba'ay qof-ba siduu u yaqaano" oo kolba derbi isku qaadaaya, ka halawday taladdii, mar beer-laxawsi is leh ku maal askariggii daaqadda ka tuuray, mar siddii mid u digaaya u hadlaaya, mar marmar-siiyo doonaaya in uu kaga hoos baxo  " Raggiii ma adigaa ka hadhay iyo adhliga uu ku shaqaysto ee Geenyo Shaaximan" kol is leh u cago juglee, malaha sidaas baad wax kuugu soo noqona-yaane, marar kale-na baryoota-maaya oo askariga " Xaafad-tooyadda" Waan-waan uu la gallo kula warwa-reegaaya, mar dhulka isu dhigaaya oo inta uu gacmaha hoos hoorsado, lska dhigaaya mid tallo siinaaya, oo leh " Af-weyne isba wuxu eeday in uu ganacsiga ka xidho Isaaqa" Ee adiguna halkiisii ha marin" Haddii kale wiish baa kul sare kici doona sidiisii, oo siddii xumayd ee uu u baxay baad adna kaga daba tegi doontaa. isku soo duuboo, cabaadkii uu shalay ka wadhay haba-yaraatee, dhan loo raaco iyo ujeedo mid-na si gaar ah loogu tilmaamo ,muu lahayn waraysiggii caal-waaga ahaa ee uu bixiyey. waxa la yidhi " Calool-yaw waa Cadaab badhkii" ee Oday-ga dhiidhiga ka bax ha la yidhaaho, oo dib u feker dhiiqo baad dhex waraaq-daaye.

 

Somalidu waxay murti ku tidhaahaa " Beer-nugaylka qaarkii, waa bukaan aan dawo lahan" oo adiga baa u dhinta aakhirka, hadaba haddii aad is laab raaciso, wax aan rajo lahayn, wax ka soo naaso-cadina aanay jirin, hoos fadhi-giisa aad naawishaa-na waa wax kugu maqan, sidaas awgeed, ma laha sii eegasho. Akhristaw waxad arkaysaa inay jihaddii ka halasan tahay, oo xaal-kiisu yahy odayga hadba dhinac kaga dhufo, bal in ay si uun kuugu gasho kubadu goolka, waase uu la waayey. Bal kol wuxu ku leeyahay, anigu waxan ahay madax-dhaqmeed, oo arimaha siyaasadda ka hadli maayo, marna wuu dhex batalaq-sanayaa, oo wuxu leeyahay, anaku siyaasad lama aanu gelin askariga, ee maxadax-dhaqmeedo baanu la galay, misana wixii-ba wuu isku walaaqayaa, oo wuxu noqday " Haad geed Waayey" Ku lahaa, kuwii burco noogu yimi ee salaadiinta u ahaa askariga, ee aanu wax isku ogayn baanu ka war sugaynaa, hadana waa kaas toos ula hadlaaya Askariga ee leh fur ganacsiga Isaaqa ( oo micna-heedu yahay dadka kale ka xidh ama ka xanib), Waxa halkaas ka cad in uu sasabasho ku jiro, dhinaca kale-na uu is leeyahay yaan lagaa garan, ee waa in uu " Kud-madaw doc isugu baydhaa" oo uu ka baxaa hal-hayskii ahaa " Beerka jecliyaa, Xaydha Jecliyaa" waa kaas laba-diba seegaye.

 

Waxa la yidhi oo kale " Nimaan quus aqoon naf-tiisa baa quus ah" Waxa aan ku soo xidhay maqalkan muwaadin, Oday-gu waa bilaa mab-dda, waxana ka muuqdda waraysi-giis in uu yahay " Dhaqaale doon" waxa kale oo iyana meesha ku jirta, in aanu weli ka calool go'in "qudhmiye", oo dhebiga looga qorey hadh cad, gabay baa waxa uu ahaa ama ku jirey ereyo ah " Masalaha nimaan ii dhigayn, oon midigta ii taagin, meeshuu maraayo-ba, nin-kaan maanka igu haynin, oo aniga iga maarmi kara, uma muraad yeesho" Waxan kula talin lahaa duqa, Kulmiye iyo askarta hantiddii ummadda dhameeyey, ee keligood dhiisha ciirta ah dhamaya, hadan afka boodha kuu soo marsanaaya inuu ku yidhaaho " Naag yahay kala tagnay ee sheeg-sheeg hadhan" baa wacnayd, Waxan ku soo qofalay maqaalka, wax-ba kuuma yalaan guriggii aad xaq-darradda ku dhistay, oo ilaahay baa xaga samadda ka dumiyey, malaha macmacaankii aad u baratay baad weli sii laab jeclaysa-naysaaye, Waxa lagu yidhi " Maraqa Cab, cadkii ku dhaafye" ama halkaa ka jaflayso. Haddi aad lahayd damac siyaasadeed, mid dhaqaale, oo aad sugaysay sabaalo gaar ah iyo sad bursiinyo, waa adigaa cirka ka eegay, qadarina haba eegin aad ka hesho iyo abaal marin lagaa siiyo, xaaraantii aad kala heshiisay, taas oo uu cadeeyey " Ina Xaashi" Boobkii iyo awooddii dawladnimo ee loo adeeg-saday, doorasho ku sheegtii ummadda loo macmalay. Waxan ku af jaray qoraalkan isaga ah "Dacawo halkay macal ku barato, bay macluul ugu bakhti-daaye" ee kud Madawaw  waa in uu ka tashadaa, weli yuu sii yu'ane, oo ninima-daadu yey ku nacasayn ku dhaha.

* N.B Calool-yaw Waa Cadaab Badhkii!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...