Faaqidaadda Dunida

0
Saturday September 26, 2020 - 08:59:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faaqidaadda Dunida

    "Al Islaam Asiyaasi" Iyo Itaxaamada Haysta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Al Islaam Asiyaasi" Iyo Itaxaamada Haysta

Ma og tahay dalka Tuunis in xisbigii النهضه ee Islaamiga ahaa ay dhexdiisa ka taagan tahay oo uu qarka u saaran yahay burubur? Gudoomiyaha Xisbiga Al qanuushi oo ah Raiisul Baarlamanka ayaa indhaha ka qabsaday Xeer Hoosaadka xisbigiisa oo u ogol in qofku laba kal wax ka badan aanu isu soo taagi karin musharaxnimada jagada Gudoomiyaha xisbiga. Shakhsiyaadkii ugu muhiimsanaa xisbigiisa oo leh aqlabiyadda Aqalka Baarlamanka Tuunis ayaa balan ku qaaday in hadii uu isa soo taago mar sadexaad lagu kala dareeri doona xisbiga.



Inta badan xildhibaanadii xisbiga ee Baarlamanka ayaa ka mid ah masuuliyiinta ballanka ku qaaday in ay ka dareerayaan xisbiga hadii Al qanuushi uu ixtiraami waayo Xeer hoosaadka xisbigiisa oo mar sadexaad uu isu soo taago Jagada


Gudoomiyaha Xisbiga. Al Qabuushi ayaa dhawaan ka badbaaday cod kalsooni ah oo mudanayaasha aqalka Baarlamanku u qaadeen laakiin 13 cod uu kaga badbaaday in laga xatuubiyo xilka Gudoomiyenimada Aqalka Baarlamanka. Xisbiga Al Nahda ee Islaamiga ah waxa si wayn u taageera Gudoomiyihiisana dabada ka riixaya Madaxwaynaha dalka Turkiga oo ay gacansaar leeyihiin xisbigiisa Islaamiga ah waana labada keliya ee weli ka sii riiqaya xisbiyadii islaamiyiinta ahaa ee ku guulaystay Doorashooyinku dalalkooda ee noqday xisbul xaakimo ama xisbiyada aqlabiyadda leh. Hadii Al Nahda aanu ka badbaadin khilaafka gudihiisa ee lagu kala tago markaa Madaxwaynaha Turkiga iyo xisbigiisu way ka goblamayaan xisbi Islaami ah oo guulaysan kara oo gacansaar la leh.


Liibiya ayuu quud daraynayaa Turkigu in Islaamiyiinta hogaaminaya Dawladda Liibiya ee Qaramada Midoobay ay aqoonsan tahay in uu gacan siiyo sidii ay Islaamiyiintu gacanta sare ugu yeelan lahaayeen marka la gaadho in doorasho ay ka qabsoonto ee khilaafka kale la soo afjaro. Taa lafteeda ayaa laga yaabaa in uu ku hungoobo Turkigu marka aad eegto dhinacyada ka soo horjeeda dhinaca uu Taageersan yahay.


Si kastaba xaalku ha ahaado eh Dalka Turkiga Ilaahay ha garab galo eh waa quwad Islaam ah oo quwad aan la yaraysan karin ah mana jirto muslinka sunitiinta ah quwad kale oo u dhigmi karta ama hankeedaba leh. Kii hadlayaa ha iska hadlo Turkigu marbuu ahaa quwadaha ugu xoogga badan dunida xiligii Cismaaniyiinta qarnitadii 15aad ilaa 19aad maanta lafteeda waxa muuqata in awoodihii uu lahaa iyo wax badan uu lumiyay tan iyo horaantii qarnigii 20 markii la isugu tegay ee la jebiyay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta in ay ka go’an tahay in uu soo ceshado waana suurtogal hadii uu miyiriyo in uu soo ceshan karo. Markaa Turkiga maantu naaha kii reer galbeedku ay ula baxeen "The sick man of Europe”.


Madaxdii Khaliijiyiinta waxa Yuhuudda u geeyay cabsida ay ka qabaan labada quwadood ee Shiicada iyo Suniga kala ah ee Iran iyo Turkiga laftiisa oo aanay garanayn halka uu ku socdo, gaar ahaan filirkiisa Al Islaam Asiyaasi ( political Islam) oo ay werwer badan ka qabaan.


Caligurey

W/Q: Ali Yussuf

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...