Muqdisho Mar Walba Waxa Siyaasada Iyo Hogaaminta Dalka Ku Soo Biira Dhalinyaro

0
Saturday September 26, 2020 - 08:18:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Mar Walba Waxa Siyaasada Iyo Hogaaminta Dalka Ku Soo Biira Dhalinyaro

    W/Q: Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Muqdisho mar walba waxa siyaasada iyo hogaaminta dalka ku soo biira dhalinyaro iyo wajiyo cusub. Balse halkan waxa dhalinta horyaala dayr adag oo ay tahay in la jabiyo. Waxaana kuraasta qaranka kuwa ugu mudan iyo hogaaminta dalka ba gacanta ku haya kuwii ilaa lixdankii umadda hortaagnaa.



Midhadhka dhalinyarada ah ee siyaasada ku jira ama kuraasta ku fadhiyaana waa midhadh ku fadhiya kuraasta aanay ku iman awood hogaamineed oo ay dalka ku leeyihiin ee ku yimi magacaabis iyo cad qudheed oo loo garoocay oo ay u tuureen odayaasha siyaadada gacanta ku hayaa.


In sidaa lagu sii jiraana wax la aqbali karo maaha. Bal wax kale iskadaayoo sadexda xisbi qaran iyo gudoomiyeyaashooda eeg. Kulmiye waxa isu dhiibay Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweyne Muuse. Waxa soo socdaana, waaba hadii uu madaxweyne Muuse xisbiga wareejiyee waa in uu u dhiibo Maxamed Kaahin ama qof kale oo gadahiisa ah.


Ucid waxa isna 20 sano hor fadhiya Faysal Cali Waraabe oo xataa isaga aan la aqoonin cid uu u dhiibi doono iyo in uu dhiibi doona toona.


Wadani na waxa hor fadhiyaa waa C/Raxmaan. Haduu gudoomiye nimada wareejiyana cida uu u dhiibayaa waa nin kale oo gadihiisa ah.

Dhinaca kale bal eeg Golihii sharci dejinta waxa kala hor fadhiya Saleebaan iyo baashe  oo labuduba maanta da' ah. Halka kursigii madaxweyneha uu shalay wareejiyay Siilaanyo oo ilaa dawladii rayidka ahayd shaqaynaayay. Maanta waxa ku fadhiyo madaxweyne Muuse oo isna aan Siilaanyo wax badan ka yarayn.

Waar hadda ma aragtaa. Ogowna qofku waxa uu dalkiisa wax u qaban karaa oo uu meel gaadhsiin karaa inta uu yar yahay ee ay maskaxdiisu curinta iyo hal abuurka leedahay ee ay xooga u shaqaynayso.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...