'' La Soco Aduunka , Trump Oo Buuxiyey Garsoorihii Maxkmadda Sarre ''.

0
Saturday September 26, 2020 - 08:14:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Trump Oo Buuxiyey Garsoorihii Maxkmadda Sarre ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Warar laggu kalsoon yahay oo mardhawayd soo baxay ayaa sheegay in Madaxwayne Trump go'aansaday in gabadha la yidhaahdo  Amy Coney Barrett oo ah Garsoore ka tirsan Maxkamada guud ee Racfaanka maraykanka heerkeedda 7aad u magacaabo garsoore ka tirsan maxkamaa sarre ee  maraykanka ,  taasoo badalaysa gabadhii garsooraha ahayd ee ka tirsanayd  Garsoorayaasha maxkamadda sarre ee maraykanka ee dhawaanta geeriyootay .



Amy Coney Barrett  sanadkii 2017 ayuu Trump u magacaabay in ay noqoto xubin ka tirsan maxkamadda Racfaanka oo boos ka banaanaaadey , mar kale 2018 waxaa soo baxay warar sheegaya in Trump u magacaabayo Garsoore ka tirsan maxkamadda sarre oo uu ka hawl-gabay garsoore la odhan jirey Anthony Kennedy , hassa yeeshee waxaa waagaas dib u dhigey khibrad yaraan , hassa yeeshee maanta khibradeedu waa mid ku filan intii looga baahnaa .


Si kastaba ha ahaatee  , hadii ay dhabowdo magacaabistani , waxay ka dhigaysaa in garsoorayaasha maxkamada sarre oo ka kooban 9 , lix ka mid ihi noqonayaan Conservative , iyadoo Amy Coney Barrett ay tahay qof u janjeedha dhinaca conservetive kana tirsan qayb ka midda Catholigga oo mayal adag .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...