Gardaradu Ma Fiicna

0
Monday April 22, 2019 - 06:23:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gardaradu Ma Fiicna

    Khadar Macalin waa nin wariye ah kana mid ah dadka ugu akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan ee ilaaliya sharafta mihnada saxaafadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khadar Macalin waa nin wariye ah kana mid ah dadka ugu akhlaaqda iyo anshaxa wanaagsan ee ilaaliya sharafta mihnada saxaafadda,

saaka meel dadweynuhu tuban yahay waxa si gardaro ah iskaga garaacay askari ka tirsan ciidanka nabadgalyada wadooyinka, isago wariyuhu ilaalinaya direyska askariga ayuu si degan ula hadlayey oo uu lahaa sharafta direyska ilaali oo iga joojiyo gacan ka hadalka.



askariguna wuxuu ku waday feedh iyo laag illaa inta uu wariyuhu dhulka ku dhacayey, dadkii meesha joogay oo dhan waxay la yaaban yihiin oo ay ku qaylinayaan askariga qof aan dhibaato wadin oo aan dagaalamayn oo amarka askariga u dhego nugul sababta loo garaacayo, illaa dumar meesha joogay ku qayliyeen, iyadoo dadkii meesha joogay oo dhan iskugu soo baxay oo cid kasta oo isku dayda inay ka qabatana askartii kale gacanta saarayeen.


Isagoo jaban baa xabsiga loo taxaabay isaga iyo saddex wariye oo kale, inkastoo galinkii dambe la soo daayey, waxaana dhakhtarku xaqiijiyey inuu misigta ka jaban yahay.


Dadkii meesha joogay waxay ka duubeen muuqaalo gardarada askariga, taas oo cid waliba arkayso qof aan dhibaato ku jirin oo aan la dagaalamayn inuu laag iyo feedh la dhacayo, waxaana dadkii meesha joogay ku markhaati fureen inuu askarigu gardaran yahay.


Hadaba, askartu waxay u baahan yihiin tobabar iyo inay shacabka la saaxiibo, hadii gacanta degdega ah sii wadaan waxay abuuri karta inuu qof kasta naftiisa difaaco, waa in wax laga bedelaa hab dhaqanka cusub ee askartu la soo baxeen.

Illaahay waxaan ka baryeyaa inuu caafimaad sareecana siiyo maadaama oo laga gardarnaa


W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...