'' La Soco Aduunka , Dhakhtar Nigeriyana Oo Ku Guulaystay 100 Qof Ee Aduunka Ugu Saamaynta Badan 2020''

0
Friday September 25, 2020 - 12:50:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Dhakhtar Nigeriyana Oo Ku Guulaystay 100 Qof Ee Aduunka Ugu Saamaynta Badan 2020''

    Dhakhtar u dhashay wadanka Nigeriya oo magaciisa la ydhaahdo Dr Funji Fusho ayaa ku guulaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtar u dhashay wadanka Nigeriya oo magaciisa la ydhaahdo Dr Funji Fusho ayaa ku guulaystay

in uu ka mid noqdo liiska 100 qof ee aduunka ugu saamaynta badan sanadkan aynu ku jirno ee 2020 .



Dr Funjo wuxuu ahaa dhakhtar ku takhasusay dawaynta wadnaha , hassa yeeshee muddo ka hawl-galayay Barnaamijka la dagaalanka xanuunka dabaysha oo dhibaatooyin badan ku hayay caruurta Afrika gaar ahaan kuwa Nigeriya .


Dr Funjo wuxuu shaqadda ka hawl-gabay sanadkii 2013 , hassa yeeshee wuxuu dib ugu soo noqday markii laggu arkay wadanka Nigeriya in xanuunkii dabayshu dib ugu soo noqday , waxaanu hogaamiyey dedaal balaadhan oo ay iska kaashadeen Dawladda Nigeriya , Haayadda UNICEF iyo haayaddo kale , kaasoo lagaga talaalayay malaayin caruura xanuunka dabaysha , ugu dambayna waxaa laggu guulaystay in Nigeriya oo ah wadanka ugu dad badan qaaradda Afrika lagga cidhib tiro xanuunkii dabaysha, sidaa darteed Dr Fujo oo dadaalkaas hogaamiye u ahaa waxaa laggu sharfay in uu ka mid noqdo 100 qof ee Aduunka ugu sumcada badan sanadkan aynu jirno 2020 .


Si kastaba ha ahaatee , waxa wanaagsan ee aad qabato ayuunbaa Ilaahay hortiisana wax kuu taraya aadmiguna kugu qiimaynayaa ,hassa yeeshee wixii aad xaddo , wixii aad kharibto , wixii aad lunsato if iyo aakhiro waxaan dhibaato ahayn kuu kordhin maayaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...