Mudane Madaxweyne, Gebiley Ma Laha Cashuuraha Kastamka!

0
Monday April 22, 2019 - 06:07:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Madaxweyne, Gebiley Ma Laha Cashuuraha Kastamka!

    Maalin dhaweyd waxa madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay hadal uu kaga jawaabayey cabasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalin dhaweyd waxa madaxweyne Muuse Biixi uu sheegay hadal uu kaga jawaabayey cabasho iyo cadaalad-darro ka muqaata Xeerka lr. 12 oo ah xeerka midaynta cashuuraha degmooyinka. Madaxweynaha ayaa difaacay xeerkan oo ah mid ku salaysan cadaalad-darro.



Waxa cadaalad-darro ah in degmooyinka kastamadu ku yaalaan ay saami dheeraad ah ku yeeshaan cashuuraha lagu qaado kastamka. Isla markaana ay saamigooda ku yeeshaan inta soo hadhay. Tan oo macnaheedu yahay in tusaale ahaan Gebiley ay 10 % oo u gaar ah ka helayso cashuuraha lagu qaado kastamka Gebiley. Sagaashanka soo hadhayna wax bay ku leedahay.


Kastamku waa hay’ad ka mid ah laamaha dawladda dhexe. Cashuuraha laga qaado waa cashuuro ka dhexeeya dadka.


Laakiin madaweynuhu waxa uu sheegtay in khayraadka Gebiley uu yahay kastamka Gebiley. In kastamka dekadduna yahay khayraadka Berbera. Saylada xoolahana wuxuu ku sheegay in ay tahay khayraad u gaar ah degmada Burco.


Madaxweynaha ha loo sheego in kastamku aanu ahayn khayraad degmo, ama wax-soo-saar loo nisbeyn karo degmo gaar ah.

Degmo kasta cashuur ha ku yeelayo wax-soo-saarkeeda. Sida wax-soo-saarka beeraha, warshadaha, xoolaha iwm.


Xaq maaha in Burco cashuur dheeraad ku yeelato adhiga iyo geela ay ku soo tabceen reer Ceerigaabo. Xaq maaha in Gebiley saami dheeraad ah ka hesho qaadka lagu cuno Salaxley iyo degmooyinka kale ee waddanka.

Xaq maaha in degmada Berbera loo leexiyo qayb-libaaxeed ka mid cashuurta kastamka dekedda.


Waxa loo baahanyahay in cashuuraha la isugu keeno meel, kadibna degmo kasta loo kabo si u dhiganta baahideeda iyo baaxadeeda.

Madaxweynaha waxa laga filayey in uu dib u eego nidaam-cashureeedkan aan caqli-galka ahayn. May ahayn inuu difaaco wax khaldan.


Wakhtigan waxa jira guux iyo baraarug ku salaysan in wax laga beddelo xeerkan sida qaloocan u qaybinaya cashuuraha dadka ka dhexeeya.

Madaxweynaha waxa laga rabaa inuu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa nidaam-cashuureed casri ah oo cadaalad ah.


Ahmed Abdirahman, Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...