Sheekh Xasan Diheeye maxaad ula Kulantay ?

0
Friday September 25, 2020 - 12:40:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Xasan Diheeye maxaad ula Kulantay ?

    Su'aal aad la ii weydiiyay !

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aal aad la ii weydiiyay !

Asalaamu Calaykum

Marka aad muddo ka maqnaato Dalkaaga ee had iyo goor wararka kaa soo gaadhayaa ay yihiin gacan labaad ama gacan saddexaad amabase ay yihiin wararka aan badi sugnayn ee lagu baahiyo baraha Bulshada, ayaa marka aad Dalka  timaado wakhigaaguna uu kooban yahay ay kugu kellifaysaa inaad indhahaaga ku soo aragto Nolosha iyo Duruufaha iyo Wadciga xaqiiqda ah ee  yaalla Gobolada iyo Degmooyinka Dalka intii ay markaas kuu suurto gasho inaad booqato.



Image may contain: 2 people, including Kaysar Maxamed, people standing, text that says 'Zaad service 063-6304988 (2)'

Aniga oo arrintaas ka duulaya ayaan wakhtigii aan Dalka aan joogayay   oo ahaa Laba Usbuuc oo kaliya aan Hal usbuuc u qorsheeyay inaan booqdo oo aan soo arko meelo ka mid ah  Gobolada Togdheer, Maroodi- jeex iyo Awdal  si aan Xogo dhab ah oo dhamays tiran uga helo duruufaha kala duwan ee ka jira dhulkaas, waxaana subaxdii koowaad ee aan Dalka gaadhayba socdaalkaga ka bilaabay Degmada Sallaxley.


Hadaba Magaalada Boorama waxay ahay meelaha iigu muhiimsan ee aan ku soo talogalay inaan booqdo si aan xogogaal dhab ah ugu noqdo duruufaha Siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale ee ka jira  Gobolka Awdal gaar ahaan Xaruntiisa Boorama.

 

Sheekh Xasan Diheeye oo ka mid ah Culimida ugu Waaweyn Gobolka Awdal ee saamaynta xooggan ku leh bulshada, waxa uu ka mid ahaa dadka aan sida weyn u xiisaynayay inaan la  kulmo, si aan u dhegaysto, ula sheekaysto oo aan wax badan uga ogaado aragtidiisa guud ee arrimaha ka jira Gobolka iyo Dalkaba.


Inkasta oo Masjidka uu Iimaamka ka yahay ee ku yaalla badhtamaha Magaalada Boorama uu xidhnaa oo uu dhisme xooggani ka socday, hadana taasi kamay hakin in Sheekhu uu Qudbadiisa Jimce ka bixiyo meelo kale, waxaanan ugu tegay Misaajid dhinaca Koonfureed kaga beegnaa Magaalada Boorama.  Inkasta oo Sheekh kale akhriyay Qudbada, hadana Salaadii ka dib ayaa loo kala baxay Sheekh Xasan iyo Mikrafoonka.

 

Salaadii ka dib ayaanu Sheekha gaar isugu hadhnay oo aan aad uga waraystay arrimo aad u badan oo dhan walba leh, waxaana uu si weyn u tilmaamay inaanuu weligii ka daalaynin inuu Xaqa ku addimo xataa hadii uu mur ka qadhaadh yahay, waxa uu ii sheegay inuu Dalkiisa Somaliland jecel yahay oo aanuu weligii Dibada uga bixin oo uu doonayo in la helo Somaliland oo Dadkeedu ay Cadaalad iyo Horumar gaadhaan Shareecada Islaamkana lagu xukumo.

 

Run ahaan Sheekhu waxa uu iila muuqday inuu yahay Sheekh Aadan Siiraha Borama oo Mikrifoonka ka baahiya kolba duruufaha jira iyo arrimaha Siyaasadeed ee Dalku marayo, iimanay muuqan wax lagu soo kala dhawaysto ama lagu kala fogeeyo labada Sheekh ee Aadan Siiro iyo Xasan Diheeye oo labaduba ku talaxtaga Mikirifoonada Misaajidadooda, labaduba waa laba Sheekh oo Muwaadiniin ah.

 

Dabcan waxa kale oo aan Boorama kula kulmay oo aan Saacado badan la qaatay Hormuudka  Dhalinyarada Gobolka Awdal kuwaasoo aanu iska waraysanay arrimaha kala duwan ee ka jira Gobolka Awdal gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka, Saami- qaybsiga iyo Nabadgelyada.


Ugu danbayn Fulaynimo ka weyni ma jirto inaad ka sheexdo ama aad ka dhuumato dadka fikirkaaga fikir ka duwan qaba, waxaa muhiim ah inaad la fadhiisato, dhegaysato oo aad la doodo oo aad eegto dareenka iyo fikirka muwaadinka kaa aragtida duwan, balse aanad u arag Cadaw kaa soo horjeeda.

 

W/Q: Kaysar Maxamed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...