''La Soco Aduunka , Ninka China Ugu Taajirsan ''.

0
Friday September 25, 2020 - 12:33:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''La Soco Aduunka , Ninka China Ugu Taajirsan ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

57 jir magaciisa la yidhaahdo Zhong Shanshan ayaa noqday maalintii shalay ninka ugu taajirsan wadanka shiinaha ka dib markii uu 2 bilyan oo doolar la dulmaray ninkii horre u haystay booskan oo laggu magacaabo Jack Ma oo ah aasaasaha shirkadda caanka ah ee Ali Baba .

 

Zhong Shanshan wuxuu leeyahay shirkadd soo saarta Biyaha mooya saxadda ah iyo dawooyinka , horre wuxuu ahaa qoraa wax ku qora joornaaladda waawayn iyo wakiil ganacsi ka hor intii aanu aasaasin shirkad isagu iska leeyahay oo la yidhaahdo Chinese Bottled water waxaana loo soo gaabiya Nongfu Spiring .

 

Maalqabeenkan ayaa noqday ninka labaad ee ugu taajirsan qaaradda Eeshiya , waxaana ka horeeya oo qudha nin hindiya oo la yidhaahdo Mukesh Ambani .

 

Ninkan ayaa ah nin qunyar socod ah oo aan aad loo aqoonin , waana nin aan caan ka ahayn aduunka sidda maal qabeenadda isaga la mid ah , waxaana xarun u ah Gobolka shingahai .

 

Si kastaba ha ahatee , taajirkan ayaa loo tiranayaa in ay soo saartay aqoonta shiinaha ee marba marka ka danbaysa sii kordhaysaa , shiiahana waxaa loo aqoonsaday in uu yahay wadanka hadeer ugu bilyaneeriska badan aduunka , halka gobolka Hong kong ay noqotay bogcadda ugu tijaar badan aduunka , sidoo kale Shangahai ayaa laggu sheegay xidigta ganacsigga caalamka .

 

Ugu dambayn hantidda ninkan odayga ah ayaa laggu qiyaasay 587 Bilyan oo doolar , horumar kastaaba wuxuu ku xidhan yaha dawladnimadda iyo hagaajinteedda .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...