Dhammaadkii Ku Danaysiga Dhinaca Ka Rarnaa Ee Warbaabinta Dowladdu

0
Thursday September 24, 2020 - 18:17:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhammaadkii Ku Danaysiga Dhinaca Ka Rarnaa Ee Warbaabinta Dowladdu

    ... Labadan muuqaal ee ah masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Labadan muuqaal ee ah masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ...
 

Dhammaadkii ku danaysiga dhinaca ka rarnaa ee warbaabinta dowladdu maamusho iyo bilawga wada manaafacaadsiga guud ee warbaahinta laga maalgaliyo cashuurta laga qaado ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Tallaabadani waa bogaadin mudan, balse waa in Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo masuuliyiinta xisbiyada qaranku, gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah isugu yimaadaan shir lagu falanqeeyo sida ugu habboon ee mucaaridka iyo muxaafidku ay si simman oo shuruucda dalka waafaqsan uga wada faa'iidaysan lahaayeen warbaahinta dowladdu maamusho ee ka wada dhexaysa qaranka Somaliland, waxaana xisbiyada mucaaridka ah looga baahan yahay inay soo bandhigaan dhaliilo lagu naqdiyayo hay'adaha dowliga ah iyo siyaasadaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, iyadoo warbaahinta dowladda iyo guud ahaanba saxaafadda dalka looga baahan yahay inay muujiyaan masuuliyad iyo xirfad mihnadeed oo lagu tifaftirayo hadallada iyo dhaliilaha ay mucaaridka iyo muxaafidku isku jeediyaan, waxaannu waajibku yahay in ay dadka u soo tabiyaan ama u soo gudbiyaan warar iyo barnaamijyo waxtar u leh bulshada Somaliland, lagu toosinayo dhaliilaha jira, khaladaadka muuqda iyo waxyaabaha wiiqaya horumarka iyo isku duubnida bulshada reer Somaliland.

 

Labadan muuqaal ee ah masuuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID,  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa maanta (Axad, 20 September 2020), waxa laga baahiyey telefiishanka qaranka Somaliland (SLNTV) oo aan ka soo xigtay, halka sidoo kale aan arkay warar ay Wakaaladda Wararka dowladda ee SOLNA ka diyaariyey hadallada ay laban masuul saxaafadda mariyeen, waana bilaw fiican oo yididdiilo abuuraysa, iyadoo marka horeba aannu jirin qodob dastuuri ah iyo sharci kale oo mamnuucaya in wararka mucaaridka laga baahiyo warbaahinta dowladdu maamusho, markaa arrin ay marka horeba xaq sharci u lahaayeen oo sifo khaldan iyo dano siyaasadeed looga horjoogay in maanta loo ogolaado waa khalad hore oo la saxay ee yaan dib loogu noqon khaladkaas hore, waana in halkaas hore looga sii socdo.

 

W/Q: Maxamed Cirro


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...