'' La Soco Aduunka , Wadadii Shiinuhu U Maray Warshadaynta ''.

0
Thursday September 24, 2020 - 18:07:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Wadadii Shiinuhu U Maray Warshadaynta ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje


Markii uu dhamaaday dagaalkii 2aad ee aduunku 1945 shiinuhu masoo saari jirin hal qori oo rayfala oo ciidamadiisu isticmaalaan ,warshadayn iyo horumar kalena kama aanu jirin , waxaanu ahaan wadan dib u dhacsan oo dadkiisu ku tiirsan yihiin beero aan horumarsanayn .



Haayadda lacagta aduunka iyo Baanka aduunku waxay siiyeen dayn iyo deeqo badan oo lacageed , wadamadda reer galbeedkuna waxoogay bay ku fiiqeen , hassa yeeshee waxaasi waxba uma aanay tirin , waxaanay noqdeen uun dhibic bad ku dhacday .


sanadihii kontanaadkii wadankii midowga soofiyeeti ayaa ugu deeqay wadanka shiinaha 156 warshadood oo isugu jira kuwo waawayn iyo kuwo dhexe , sidoo kale wuxuu u tababaray farsamayaqaano iyo Enjineero ka hawl-gala warshadahaas , warshadahaas ayaana bar bilow u noqday warshadaynta shiinaha ee imika aduunka qabsatay .


Si kastaba ha ahaatee , Aduunyadda wadana kama maarmo wadan kale oo gacan qabta , wax bara wadada horumarkana ku ridda , tasiiwrtan idiin muuqataana waxay muujinaysaa shiinaha oo kala wareegaya midowgii soofiyeeti warshaddo , inagana Twain wax badan bay ina tari kartaa , hadii aynu horumar u jeedno .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...