Xeerka Shiidaalka iyo Gaasta Itoobiya oo loo soo bandhigay Xisbiyada Mucaaridka ah

0
Monday April 22, 2019 - 05:38:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Shiidaalka iyo Gaasta Itoobiya oo loo soo bandhigay Xisbiyada Mucaaridka ah

    Addis-ababa(HWN)-Dawladda Itoobiya ayaa sameysatay Siyaasadda Shiidaalka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis-ababa(HWN)-Dawladda Itoobiya ayaa sameysatay Siyaasadda Shiidaalka, waxaanay qayb ka tahay qorshaha siyaasadeed ee Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed, siday baahisay New Business Ethiopia.


Kulan lagu qabtay Addisababa ayaa Jimcihii toddobaadkii hore ayaa waxa loo soo bandhigayUrurrada Bulshada, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah, waxaana shirkaas laga sheegay in siyaasadda Shiidaalka Itoobiya loogu talogalay in lagaga dhaqmo dalkaas muddo 15 Sannadood ah.



Wasaaradda Khayraadka dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa sheegtay in Xeerka siyaasadda Shiidaalka lagu dhammeystiri doono bilaha soo socda.



Xeerka Shiidaalka waxa uu jidaynayaa sida looga faa’iideynayo bulshada ku dhaqan deegaannada laga soo saarayo Shiidaalka iyo Gaaska. Waxa kaloo xeerku tafaasiil ka bixinayaa Shirkadaha ka shaqeynayn doona Arrimaha Shiidaalka iyo doorka ay ku yeelanayaan.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...