'' La Soco Aduunka , Wadankii 3aad Ee Carbeed Oo Ogolaaday Heshiiska Isreal ''.

0
Thursday September 24, 2020 - 10:19:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' La Soco Aduunka , Wadankii 3aad Ee Carbeed Oo Ogolaaday Heshiiska Isreal ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje



Safiiradda Qaramadda Midoobay u fadhidda wadanka Maraykanka mrs kelley Craft ayaa u sheegtay Tv Al careebiya mar sii horaysay oo maanta ah in wadan kale oo carbeed heshiis xidhiidh is waydaarsi la saxeexanayo maalin ama laba cisho ka dib wadanka Isreal .


Kelly oo al carabiya u waramaysay waxay intaa ku dartay in qorshohoodu yahay in ay suurta geliyaan in wadamo badan oo carbeed heshiis la yeeshaan Isreal , maalin ama laba cisho ka dibna mid ka midi saxeexayo heshiiskaas .


Danjiaraddu carabka kuma dhufanin wadankaasi ka uu yahay hasa yeeshee Amiirka gacanta ku haya taladda Sucuudigga Maxmed Binu salmaan ayaa mar uu saaxafadda la hadlayay sheegay in ay raacsan yihiin qorshaha maraykanka ee bariga dhexe ee laggu dhamaynayo qadiyadda Isreal iyo falastiin , waxaana loo badinayaa in wadanka dhawaan heshiiska saxeexayaa yahay Sucuudi Arebiya .

 

Si kastaba ha ahaatee , wadamo badan oo carbeed ayaa kiyuugga u taagan sidii ay qorshahan uga qayb noqon lahaayeen , waxaana wadamadaas lagga xusay Marroco , Oman iyo Sodan .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...