Masar oo Caddeysay inay Baan ka Furanayso Soomaaliya

0
Monday April 22, 2019 - 05:33:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar oo Caddeysay inay Baan ka Furanayso Soomaaliya

    Qaahira(HWN)- Ra'iisul-wasaaraha Masar Mostafa Madbouli ayaa sheegay inay Baanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira(HWN)- Ra'iisul-wasaaraha Masar Mostafa Madbouli ayaa sheegay inay Baanka GanacsigaBanque Misr laga furo Soomaaliya, sidaasna waxa Axaddii shalay daabacday Egypt Today.



Ra’iisul-wasaaraha Masar ayaa qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo booqasho ku jooga Qaahira, waxaana kulankaas ka soo qaybgalay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Masar.


Mostafa Madbouli Ra’iisul-wasaaraha Masar ayaa sheegay inay kaalintooda ka qaadanayaan qorsheyaasha lagu horumarinayo laguna xasilinayo Soomaaliya

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dawladiisu ay diyaar u tahay inay ka caawiso Soomaaliya dhinacyada Tababarrada iyo deeqaha waxbarasho, si loo saacido muwaadiniinta Soomaaliya ee doonaya inay dalkooda wax u qabtaan.


Ra’iisul-wasaaraha Masar wuxuu tilmaamay si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha ee ay la leeyihiin Soomaaliya ay Baanka . Banque Misr laga furi doono Soomaaliya.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xidhiidh soo jireen ahi ka dhexeeyo Masar iyo Soomaaliya. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dawladda Soomaaliya ahmiyad weyn siinayso inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay Masar.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...