Khatarta Madaarka Berbera Kasoo Socota, Iyo War La'aanta Shacabka SL (Abdi-Shotal)

0
Thursday September 24, 2020 - 10:06:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatarta Madaarka Berbera Kasoo Socota, Iyo War La'aanta Shacabka SL (Abdi-Shotal)

    * N.B Ninkii Ku Dhacaa Ku Dhaxla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Ninkii Ku Dhacaa Ku Dhaxla.

    Maamulaha cusub ee  Gegiga dayaaradaha Berbera ee caalamiga ah  Dritan Gjonbalaj  , waxuu hore u ahaa Madaxa Hawada ee dalka Kosovo oo hadda xidhiidh fiican la leh Israel ahna dalkii ugu horeeyey ee Muslim ah oo Qudus u aqoonsada caasimadda Yuhuuda.Waxa xusid mudan in dalalka Yuguslavia yadii hore, at Serbia, Kosovo kamid tahey.

 

    Yihiin goobaha imaaraadka carabtu maalgashado kuna daneysto, yaheyna dalka kaliya ee maal gashada.

    Iyadoo ninka isku xidhaana yahey Maxamed Daxlaan, lataliyaha khaaska ee amiirka Maxamed bin Zayid-ka Imaaraadka xukuma.

    Daxlaan waa madixii sirdoonka Falastiin, ee Madaxweyne Cabaas eryey, la dib markii lagu soo rogey inqilaab iyo isagoo gacan-saar dhaw laleh,  raiisal wasaare Natinyahu.

 

    Waxa xusid mudan in si hoos ahaaneed Imiraadku u dajiyey sirdoonka Israel jaziiradda Soqadara, ee Yemen raacsan dhacdana, in 20 km ka fogeyn xeebaha Puntland.

    Iyadoo noqoneysa goob lagala socdo maraakiibta goosheysa Baabul-Mandabka, oo lagala soconayo, dhaqdhaqaaqyada taliska military ee China ka sameystey Jabuuti iyo dhaqdhaqaaqyada ganacsi, amni ee isku xidha India ocean iyo Badda cass.

 

    Sidoo kale waxa hodanti ah, in Berbera airport na noqon doono, goob loo adegsandono logistics ka, ay ciidamadu sirdoonka  Israel ay isticmaali doonaan, walibana ay u adegsan doonaan wax loogu yeedhey free-zone trade, oo lagu qarin doono masaalixda hadoodilan ee Israel ka wado Geeska africa.

    Amuurahan soo cusboonaadey, war kama qabaan shacabka S. Land, iyadoo ay dhici karto:

 

    1) in ciidanka Xuutugu gantaalo iyo diyaarado Drones ah, kusoo weeraro halboolayaasha dhaqaale ee S. Land, sida Madaarka Berbera, dekada.

    2) in Berbera loo adeegsado goob calooshooda u shaqeystayaasha wada diyaaradaha imaaraadka ay degaan, halkaas noqoneysa goob fuxshi, khamri iyo daroogadu degto.

    3) in Berbera noqoto goob kootarabaan iyo bucsharooyinka ganacsiga ka caagan ama lasoo xado laga tariibiyo, sida Dahabka dalalka dagaalku kasocdo laga soo xado, hubka iyo lacagaha cash ka ah ee dawladaha laga soo dhaco.

 

* N.B Ninkii Ku Dhacaa Ku Dhaxla.

QORE:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...