Muuse Biixi Oo Reer Awdal Ku Mashquuliyay Kala Riixashada Kursiga 4aad Ee Kulmiye Oo Ay Ku Iloobeen Saami-qaybsigii.

0
Thursday September 24, 2020 - 09:50:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Reer Awdal Ku Mashquuliyay Kala Riixashada Kursiga 4aad Ee Kulmiye Oo Ay Ku Iloobeen Saami-qaybsigii.

    Loollankan hadheeyey kursiga guddomiye ku-xigeenka arfraad ee Xisbiga oo hada uu eg mid soo gaadhay Final

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Loollankan hadheeyey kursiga guddomiye ku-xigeenka arfraad ee Xisbiga oo hada uu eg mid soo gaadhay Final

Boorama (HWN)- Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka, Dhalinyarta iyo Wax-garadka Gobolka Awdal  oo inta baddan si midaysan ugu doodi jiray ugana hadli jiray qaddiyadii saami-qaybsiga  Xukuumadda iyo kuraasta Golaha wakiillada Somaliland, isla markaana mawqifyo adag ka taagnaa qaddiyadaas,kuna doodi jiray in dib loogu noqdo saami-qaybsiga beelaha ee dhismaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada Somaliland .

 

Haddaba Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka, Dhalinyarta iyo Wax-garadka Gobolka Awdal  ayaa tan iyo markii lagu dhawaaqay qabashada shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE  ayaa qaddiyadaas saami-qaybisga ee ay ku doodi jiraan gebi ahaanba aan ka haddal,balse taas baddelkeeda waxay u muuqdaan  kuwo xoogga saaraya kale riixashada iyo loollanka dhexdooda ee hanashada kursiga Guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE , kaas oo uu hadda hayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

 

Dhanka kalena qaddiyadda kale riixashada kursiga guddoomiya kux-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa keentay in bulshada reer Awdal ay u kale safteen beelo, iyadoo ay dhalinyartii aqoonyahankii iyo madaxdhaqameedkii ay u kale baxeen laba daraf,kuwaas oo u kale baxay beelaha ay kasoo kale jeedaan Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ahna guddoomiye ku-xigeenka afraad ee KULMIYE iyo Wasiir Saajin-ka kula loollamaya kursigaas guddoomiye ku-xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE ,waxaanay beel waliba deddaal ugu jirtaa sidii uu siyaasiga beeshooda uu u hanan lahaa kursigaas Guddoomiyaha afraad ee Xisbiga KULMIYE.

 

Geesta kalene Madax-dhaqameedka ,dhalinyaradda ka soo jeedda Beesha Saylici ayaa iyagu rucla orad ugu jira sidii aan kursiga Guddoomiye ku-xigeenka afraad looga qaadi lahayn Saylici, waxaanay sameeyey isku dayo baddan oo ku doonayeen in aan jagadaas lagula tartamin Saylici marka la gaadho shirweynaha uu toddobaadku ka hadhay ee Xisbiga KULMIYE uu ku qabsanayo Magaalada Hargeysa, iyagoo kulamo la xidhiidha arrintaas la yeeshay madax-da Xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Biixi, balse may noqon isku dayadaas kuwa baajiya tartankaasi

 

Sidoo kale, Beesha uu ka soo jeeddo Wasiir Saajin oo aad mooddo inay iyaddo kalsooni hoose ay ka haysato madax-da Xisbiga KULMIYE ayaa samaysay dedaalo ku lidiya kuwaas, waxaanay ku doodaysaa inuu Saajin xaq u leeyahay inuu ku tartamo jagadaas uu hadda hayo Saylici,isla markaana shir weynaha dhexdiisa lagu kale calaf qaado, iyadoo ay xusid muddan tahay in Wasiir Saajin qudhiisa oo aad mooddo inuu kalsooni addag haystu uu warbaahinta si qaawan uga aflagaadeeyey Madaxweyne ku-xigaanka Qaranka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici,taas oo muujinaysa inuu kalsooni ka haysto meel sarre.

 

Dhinacyada hirdanku ka dhexeeyo oo lagula teliyey inay isku soo tanaasulaan oo ay ku soo heshiin madaama uu kursiga afraad yahay ka keliya ee hoggaanka KULMIYE ay ku leeyihiin reer Awdal shaxda saami qaybsiga hoggaanka Xisbiga,balse kullamo ay yeeshaan ayaanay wax natiijo ahi oo is afgrad anay ka soo bixin,waxaanay ilaa hadda u muuqdaan labada dhinac kuwa ficiltan iyo mindi mindi ku taag wada, isla markaana uu ka dhaxeeyo loollan xooggan .

 

Loollankan hadheeyey kursiga guddomiye ku-xigeenka arfraad ee Xisbiga oo hada uu eg mid soo gaadhay Final ama ciyaartii kama danbeysta ahayd,kaas oo aan wax-ba la iskula hadhin, ayaa sida lagu sheegay xoggo Wargeyska Foore ka helay qasriga laga hago,waxa ay xuseen in Madaxweyne Biixi iyo taageerayaasha Ardaagiisa in aanay ku niyad sammeyn inuu Cabdiraxmaan Saylici uu Gudoomiyaha afraad ee Xisbiga KULMIYE inuu kusoo baxo jagadaa mar kale, isla markana beddelkiisa ay u hanqal taagayaan ninka Jagada buuxin doonaa uu noqdo Wasiirka Ganacsiga Saajin,

 

Gun iyo gebo-gebo marka arrimahaas iyo qaar kaloo badan la isu-geeyo waxay muujinayaan in reer Awdal ay kursigaas guddoomiye ku-xigaanka Afraad ee KULMIYE ay si weyn ugu loollamayaan, isla markaana ay u kale baxeen labada beelood ee ay ka soo kale jeedaan Saylici iyo Saajin,waxaanu mid waliba ka kale u arkaa inuu kaga haboon yahay hanashada jagadaas siyaasiga beeshiisu..


Loading...
Loading...