Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bahdilay Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Hagraday Horumarkii Caasimada+Sawiro

0
Sunday April 21, 2019 - 22:54:57 in News by
  • Visits: 12904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bahdilay Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Hagraday Horumarkii Caasimada+Sawiro

    Masuuliyiinta hagraday horumarkii caasimada oo waji gabax kala kulmay madaxweyne Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta hagraday horumarkii caasimada oo waji gabax kala kulmay madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa bahdilay masuuliyiinta ugu saraysa dawlada hoose ee Hargeysa.


Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta ka soo laabtay wadanka imaaraadka oo uu safar ku tagay ayaa masuuliyiintii ku qaabishay madaarka Hargeysa waxa ka mid ahaa maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo ku xigeenkiisa Cabdicasiis Cagawayne.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit


Madaxweyne Muuse Biixi ayaan wax qadarin ah u muujin maayarka Hargeysa iyo ku xigeenkiisa oo u soo holaday inay gacan qaadaan wakhti uu salaamayey dadkii soo dhawaynayey, waxaanay kamaraduhu qabteen madaxweynaha oo siijeed ku gacan qaadaya masuuliyiintan ka soo bixi waayey hawshii bulshada u dooratay ee loo xilsaaray.


Madaxweyne Muuse Biixi oo laga dareemayo inuu bulshada la qabo dareenka taban ee ay ka bixinayaan masuuliyiinta lagu eedeeyo inay hagradeen caasimada ayaan waji furan u muujin isla markaana si bahdilaad ah u gacan qaaday.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and beard

Maayarka Hargeysa iyo ku xigeenkiisa ayaa si weyn ay bulshadu ugu dhaliilaysaa inay ka gaabiyeen waxqabadkii looga baahnaa bulshada gaar ahaana dib u dhiska wadooyinka iyo bilicda magaalada.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and beard

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la filayaa inuu talaabo ka qaado goleyaasha deegaanada ee dalka marka ay golaha wakiiladu ansixiyeen xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo horyaala golahaasi, iyada oo uu haatan dhamaaday mudo xileedkii goleyaasha deegaanada isla markaana aanu wax mudo kordhin ah u waydiin golaha guurtida.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...