Wajaale:-Saddex Ruux Oo Ku Dhintay Dhisme Ku Dumay
Dhisme Ku Dumay Tog-wajaale Oo Saddex Ruux Ku Dhinteen, Tiro Kalenna Dhaawac Ka soo gaadhay

Hargeisa(HWN):-Wararka laga hellaayo magaaladda Xuduudda ku taalla ee Tog-wajaale ayaa waxay sheegayaan in Saddex ruux dhinteen, isla markaanna Lix ruux oo kalena dhaawacyo gaadheen, kadib markii uu ku dumay Dhisme Guri oo laga shaqaynaayay.

Dhismahan dumay ayaa waxa ka dhashay khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac ahba leh, kaasoo soo gaadhay Shaqaalihii ka shaqaynaayay Dhismahaas dumay.
Warku waxa uu intaas ku daray in Saddex ruux ee dhintay uu ku jiro Mulkiilihii gurigaas dumay iska lahaa iyo laba ruux oo ka mid ahaa Shaqaalihii dhismahaas ka shaqaynaayay.
Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan inay socdaan gurmad lagu badbaadinnaayo dad la sheegay inay wali ku hadhsan yihiin dhismaha hoostiisa, kuwaasoo la wado siddii looga soo daad gurayn lahaa dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ba.
Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda lama xaqiijin karro sababta keentay burburka dhismahan laga shaqaynaayay, hase yeeshee Hay'adda Amniga ee magaalada Tog-wajaale iyo Gurmadka deg-degga ahiba waxay ku mashquulsan yihiin badbaadinta dadka ku hoos jira dhismaha.
Loading...
Loading...


0 





